Agaasime GURXAN Oo Furey Kulanka Wada-tashiga Degmooyinka Uu Ka Socdo Mashruuca Wadaaga Ah Ee Maamuul Daadejinta Adeegyada Bulshada Ee JPLG.

Berbera (Hayaannews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta  Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa furay kulan wadatashi oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda UNCDF kaas oo socon doona 3 cisho, waxaana qayb ka ah maayirada 10 Degmo oo Dalka ah, xubno ka socday Hay’addaha UN-ka ee mashruuca JPLG gacanta ka gaysta, Wasaaraddaha Qarshaynta, Arimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo   Daneeyayaal kale.

Kulan-Hawleedkan oo ah sanadle isla markaana mudnaantiisa leh waxa ay ujeedadiisu daarantahay in qiimayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyo waxa ka fulay istiraatijadda maamul-daadajinta lacagta mashaaruuca wadaaga ah ee JPLG gaar ahaana dhinacyada waxbarshada, caafimaadka, horumarinta degmooyinka iyo kabka Dawladdaha-hoose.

Waxa sidoo kale inta uu socdo kulankani lagu gorfayn doonaa hadii Rabi ogolaado, waxyaabaha ka qabsoomay qorshe-hawleedkii sanadkan gabogabada ah kaas oo uu udub-dhaxaad u ahaa barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda sida; adeegsiga hanaanka is-wada ee maaraynta maamulka maaliyadda  (IFMIS), horumarka laga sameeyey hanaanka diyaarinta miisaaniyadda, bixinta kharashaadka, sida loogu sameeyo dabo-galka, diyaarinta war-bixinaha maamul-maaliyaddeed iyo guud ahaan in lagu socdo  qorshaha istaraatijiyadda Maamul Daadejinta Adeeg-bixinta Dawladdaha-hoose iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee NDPII.

Ugu danbayn, waxa ay gabagabada kulan-hawleedkan xubnaha qaybta ka ah barnaamijkan wadaaga ah ee maamul daadejinta adeeg-bixinta Dawladdaha-hoose si wada jir ah u dejin doonaan qorshaha cusub ee lagu hawl-gali doono sanadkan soo socda hadii Rabi ogolaado. Iyaga oo ka duulaya casharadii ay ka barteen hawl-galadii hore iyo waliba fursaddaha jira, iyada oo maanka lagu hayo tiirarka kala duwan ee ay ka koobanyihiin mashruuca JPLG iyo nidaamka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dawladda ee PFM.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com