Hargeysa(#Hayaannews): Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Hargeysa ku xidhay Shucayb Maxamed Muuse, oo ahaa Musharax u tartamaya golaha Wakiillada Somaliland
Sida uu ii xaqiijiyay Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo ah Xoghayaha Warfaafinta UCID
Ilaa hadda ma cadda sababta loo xidhay balse dhawaan ayuu Warbahainta ka sheegay in Xukuumadda Somaliland doonayso in ay fashiliso musharaxnimadiisa arrintaasi oo uu Caddaalad-darro ku tilmaamay.
Shucayb, ayaa hore u soo noqday Maayirka Gabilay iyo welib Wasiirka Wershadaha Somaliland.
#Hayaannews, Office
Hargeisa, Somaliland
Email: Hayaannewssoma@gmail.com