Dawlada Mareykanka Oo  Si Adag Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaaliya

Washington(Hayaannews): Dowladda Maraykanka oo ka walaacsan xaaladda Soomaaliya ayaa baaqyadii is daba jooga ahaa ee ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshay hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda Somalida ee saamaynta tooska ah ku leh doorashada.

Mareykanku waxa uu uga digayaa dhinacyada ku lugta leh hir-gelinta doorashooyinka in mar kale aanay isku dayin in la abuuro jahawareer siyaasadeed oo carqaladeyn kara heshiiskii siyaasadeed ee dhowaan lagu gaardhay Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in xayiraado dhanka Visaha ay ku soo roggi doonaan Soomaaliya, haddii ay sii socoto dib-u-dhaca Doorashada.

“8 February waa sannad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhammaaday Farmaajo, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka  ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay hannaanka doorashada ku soo gebogabeeyaan marka la gaadho 25ka February , sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda maraykanka ayaa sheegtay in laga fogaado wax kaste oo wax u dhimi kara  horusocodka dooraahada  iyo in ciidamada ammaanku  ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada.

Khilaafka doorashada ayaa keenay dib u dhac muddo hal sano ah, waxaana hadda lagu heshiiyay in 25 ka febraayo lagusoo gabagabeeyo doorashada.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com