Dawladaha Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Kala Saxeexday Heshiis Muhiim Ah  

Muqdisho(Hayaannews):- Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhaqaale oo gaaraya 19 Milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talo-galay dib u soo kabsashada ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Heshiiskaan oo la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano ayay Maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerta ganacsiga, Bankigyada iyo  Bankiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Maal gelintaan ayaa la tilmaamay in xoogga lagu saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Waxaa goob-joog ka ahaa Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday qaar ka mid ah Agaasimyaasha guud ee Wasaaradda ee ay khuseyso, Madaxda sare ee hay’adda Gargaara, Madaxda Bankiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara  Suleymaan Cabdi Ducaale ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taagerada ay la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed.

Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo Iskaashiga Safaaradda wadanka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney ku kalsoon tahay taageerada Gargaara ay siiso ganacsiyada gaarka, iyadoona sidoo kale u balan qaaday taageera buuxda.

Dalka Jarmalka ayaa ka mid yahay dalalka sida wayn u taageera dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana ka caawiya dhinacyada, gargaarka, horumarinta, farsamada ganacta, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga.