Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Difaacay kala-dirista Ciidankii New Police-ka Maamulka

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe-Cagjar-Hayaannews

 

Jigjiga(Hayaannews): Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya oo difaacay kala-dirista ciidankii New Police-ka maamulka

“Waxa inoo diiday inaynu aragtina ku soonno aragtina ku afurno ee maalin walba taalloo aan soo socon dusha inoo saaray maaha bulshadeena oo gaarad hooseeysa ee waa damiimiin iyo danleey ka il heshay shacab horay loo argagixiyay oo masiibaa soo socota lagu didsado; maalin walbana masiibo hor leh u hindisa.

  1. Shalay markii xisbi Qaran lagu midoobayey waxay ku taliyeen waan baa’baynaa ee yaan la yeelin. Maanta waan ognahay sida wax ahaan jireen iyo farqiga u dhexeeya markii xisbi Somali ku sheeg ah oo macag u yaal ah uu jiray iyo marka miiskii talada dalka qowmiyadihii kale lala fadhiistay dhanka ismaamulka, xuquuqul-insaanka, iyo saamiga siyaasadda dalka.
  2. Shalay markii dagaalka Waqooyigu bilowday waxay ku taliyeen aynu fallaagada garab istaagno oo dhankeenna ka duminno nidaamka dalka ka jira sidii iyadoo innaga innagu xidhan tahay dumintu. Maanta waynu ognahay meeshay arrintaasi ku dhammaatay iyo cawaaqibkii ka dhalan karayey haddaynu jibbadii Somali Resistance Force dhinac ka raacno. Halaag kale ayaynu hubsiimo kaga badbaadnay.
  3. Maantana waxay ku talinayaan dib-u-habaynta Ciidammada Booliska ee dalka aan diidno oo macnaheedu yahay duurka aan galno ama qalalaase aan abuurno. Taasna iyagoo indhahoodu shan yahay ayaa laga gudbi, dadkuna arki doonaan wax la baa’biyay iyo wax kala tagay, iyo amni deegaan oo cid kale gacan u galay aannu jirin. Iyana berri ayay shalay noqon doontaa oo aynu dib u milicsan doonnaa ee “Ninkii cadho la sooyaamayoow, samirka maad dhowrtid?”
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe-Cagjar-Hayaannews