Duqa LAASCAANOOD iyo Guddoomiyaha SOOL Oo Is-weydaarsaday Eedo Culus Oo Ku Saabsan Dagaalka

Laascaanood(Hayaannews): Colaadda ayaa kasii socota magaalada Laascaanood ee gobolka Sool maalintii saddexaad. Tobannaan dad ah ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen inay ku dhinteen, in ka badan 130 kalena ay ku dhaawacmeen.

Haddaba duqa magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyey ciidamada dawladda Somaliland inay duqaynayaan goobaha rayidka ee magaalada.

Balse Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Diiriye ayaa ku tilmaamay eedaha duqa magaalada Laascanood ee la xidhiidha inuu dagaalku u dhexeeyo Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka mid lagu khasbay iyadoo Gudoomiyuhu xusay inuu duqa shirarkii xafladahii ciidanka ee ka dhacay Laascanood uu joogay ogyahayna in maalinta kasta la soo weerarayay Fadhiisimada Ciidanka, sida uu hadalka u dhigay.