Xukuumadda Ingiriiska oo Ammaantay Booliiska Somaliland

London (Dawan)- Xukuumada Ingiriiska ayaa ammaantay shaqada ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland,sidoo kalena waxay shaaca ka qaaday inay dedaal gelisay horumarinta laamaha amaanka, gaar ahaan ciidanka la dagaalanka argagxisada (CTU) ee Booliiska JSL.

Dood ka socotay Baarlamaanka Ingiriiska Isniintii 06 February 2023 ayaa xildhibaan Kenny MacAskill ku weydiiyey Xoghayaha Dawladda ee Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta, dhaqaalaha ay ugu talogashay Qaybta Falcelinta Degdegga ah ee Booliska Somaliland; iyo xadiga maalgelinta ilaa March 2020 ay geliyeen.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta dhaqaalaha Mr. Andrew Mitchell oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “UK waxa ay taageeraysay dib u habaynta laamaha amniga iyo cadaalada Somaliland tan iyo 2011. Tan waxaa ka mid ahaa in laga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa wax ku oolnimada garsoorka iyo xeer ilaalinta, booliska, ilaalada xeebaha iyo ciidamada, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, lana waafajiyo heerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Abdrew Mitchell-Hayaannews

Mr. Mitchell ayaa sheegay in Lacagtii UK ugu deeqday Ciidanka Booliska Somaliland Unugga Falcelinta Degdegga ah ayaa ku ekaa March 2020. “Dadaalkayaga ku aaddan horumarinta laamaha ammaanka Somaliland ayaa hadda diiradda saaraya taageerada Ciidanka la-dagaalanka Argagaxisada (CTU) ee Booliska Somaliland, kaas oo ku guulaystay in uu sameeyo baadhis casri ah. iyo xabsiga lagu hayo. CTU waxay sidoo kale gaadhay guulo hawleed oo la taaban karo, oo ay ku jirto dacwad oogista kiisaska argagixiso waaweyn.”