2-
In marka ramadaan soo galo la furo Albaabada janada taas oo macnaheedu yahay
khayrka janada lagu gelayo oo badanaya,
3- La xidho albaabada Naarta taas oo mahnaheedu yahay in camalka naarta lagu
gala yaraanayo.
4-
La xidhxidho shaydaanda, shaydaanku bisha ramdaan sidii uu muslimiinta ugu
awooda badnaa uguma awod badna, kiisa waaweyn ee dunuubta dadka ku ridana waa
la xidhaa oo shar kuma ridi karo. Riwaayadaha qaar waxay sheegeen in shaydanka
kiisa madaxa adag la xidhxidho, taas oo laga fahmi karo in aan dhamaan
shaydaanku xidhxidhnayn ee kiisa yaryari fasaxna yahay.
Xadiidku
wuxuu inoo sheegay in laba shardi qofkii laga helo soonkiisa in loo denbi
dhaafayo
1- Qofkii sooma isaga oo rumaysan jaawibnimada soonka iyo in Ilaahay faral kaga
dhigay gudashadiisa
2- Ajrina kaga doonaya Ilaahay oo aanu soonku culays iyo dhib ku ahayn eeku
farxsan xukunka alle.
In loo dhaafo denbigiisii tegey oo ah denbigii yaryaraa, denbiga waaweyn wuxu u
baahan yahay toobad keen .
Fadliga Bisha Ramadaan waxa ka mid ah:
In
Ilaahay si gaar ah uga sheegtay Soonka Camaladii kale ee la qabanayey,
mushaqaayda soonkana uu yidhi anigaa bixinaya Xadiisul Qudsi ayuu Ilaahay ku yidhi:
(Camalada
dhamaan ibni aadamka ayaa iska leh, soonka mooyaane ,soonka anigaa iska leh ,
anigaana mushqaayadiisa bixinaya, soonku waa gaashaan, qofkiin marka uu sooman
yahay yaanu qaylin (muran & Dood) ,yaanu Af xumoon, hadii qof caayo ama la
dagaalamo ha yidhaahdo anigu wan soomanahay, Ilaahii nafta Muxamad Gacantiisa
ku jirtay ayaan ku dhaartee , Bukhuurka afka Qofka soomani Ilaahay agtiisa wuu
kaga udgoon badan yahay uduga miskiga. Qofka soomani wuxu leeyahay laba
farxadood
1-
markuu affuro wuxu ku farxayaa soonkiisa
2-
markuu Ilaahay la kulmona wuxu ku farxayaa soonkiisa.) Waxa weriyey labada
sheekh.
Faa’iidad
xadiiska :
1-
In Ilaahay si gaar ah u sheegtay soonka , camalada kalena uu yidhi waxa iska
leh bani aadamka, waayo soonka ma soo geli karaan istus iyo is maqashiis ,halka
camalda kale ay soo geli karto in qofku wax kale cid kaga doonayo
2- Soonka in Ilaahay yidhi anigaa mushqaayadiisa si gaar ah u bixinaya, mana
sheegin inta uu leegyahay, laakiin waxa la rajaynayaa inuu ahaado mid weyn oo
qofku ku farxi doono marka uu Ilaahay la kulmo.
3- Soonku wuxu gaashaan ka yahay dhamaan waxyalaha xun xun iyo shahwaadka naftu
doonto.
4- Qofku markuu sooman yahay inuu dhawrto soonkiisa kana taxadaro wixii wax u
dhimaya ajrigiisana nusqaaminaya. Hadii qof ku soo xad gudbo waa inuu u sheego
inuu sooman yahay oo soonkiisa ilaashanayo.
5- Waa in aanu dhib geysan , afxumadan iska ilaaliyo.