Guddoomiyaha Komiishanka Oo Sheegay inay Soo Gabagabeeyeen Qaadashada Kaadhaka Ee Gobolada Bariga Dalka

Hargaysa (Hayaannews): Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Riyoraac, ayaa shaaciyay in ay soo gebagabeeyeen qaadashadda kaadhaka codbixinta ee goboladda Sool, Saaxil iyo Sanaag.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Cabdirashiid Maxamuud Riyo-raac, in ay dhawaan qaadashadda kaadhaka codobixinta ka bilaabayaan goboladda Maroodijeex, Awdal iyo Togdheer. Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland in isla dabayaaqadda bishan March ay gebi ahaanba soo gebagabaynayaan guud ahaanba bixinta kaadhka codbixinta.

“Saddexda gobol ee Sool, Saaxil iyo Sanaag, ayay weli ka socotaa kaadhbixinta codbixiyeyaasha. Iyaguna berry (Maanta) ayay soo xidhmaysaa.

Saddexda gobol ee Awdal, Maroodijeex iyo Togdheerna, bishan dhamaadkeedda ayay ka bilaabmaysaa. Ugu danbayn, 15-ka bisha April, waanu gebagebaynaynaa kaadhbixinta dalkoo dhan” ayuu yidhi C/rashiid Maxamuud Riyo-raac, oo u waramay idaacadda VOA.

Cabdirashiid Maxamuud Riyo-raac, waxa kaloo uu ka warbixiyay halka ay marayso kala shaandhaynta murashaxiinta xisbiyadda uga tartamaya degmooyinka dalka. Waxaanu yidhi, “Waxaa na soo gaadhay liiska murashaxiinta goleyaasha deegaanka ee saddexda xisbi qaran, ee 22-ka degmo ee doorashadu ka dhacayso, gacanta ayaanan ku haynaa, kala hufitaankoodii. Marka aanu dhamaynana, wixii sax ahina, way gudbayaan, wixii wax ka dhiman yihiin ama aan sharciyan sax ahayna waxaa lagu celinayaa xisbiyadda”.

“Iyaga ayay markaa u taallaa in ay soo dhamaystirtaan, iyadoo la siin doono muddo kooban in ay ku soo dhamaystirtaan. Waxaa ku xigaya golihii Wakiiladda murashaxiintoodda, iyagana waxaa la soo gudbin doonaa ugu danbayn 30-ka bishan March, iyagana laba ilaa saddex cisho ayay qaadan doontaa kala shaandhayntooddda.

Markaa kadib ayaanu ku dhawaaqaynaa, murashaxiintii rasmiga ahayd iyo astaamihii murashaxiinta” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamuud Riyo-raac.

Geesta kale, guddoomiye Riyo-raac, oo la waydiiyay waraaq ay ku qornaayeen liiska murashaxiinta xisbiga Waddani ee degmadda Hargaysa oo maalmahan baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka aad loogu hadal hayay in ay komishanka ka soo baxday iyo in kale. Waxaanu sheegay in waraaqdaasi aanay komishanka doorashooyinka ka soo bixin, balse ay tahay waraaqdii uu xisbigu liiska murashaxiinta golaha deegaanka ugu soo gudbiyay guddiga doorashooyinka.

“Warqadaasi waxba kama jiraan. Waa warqadii xisbigu liiska noogu soo gudbiyay, liiskaasi markaa wax rasmi ah ma aha. Anaga ayaa u gudbin doonna liiska rasmiga ah” ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-raac.

Dhinaca kale, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in 12 qodob oo ka mida xeerka doorashooyinku u waajibayay ay ku salaynayeen murashaxiinta goleyaasha Wakiiladda iyo doorashooyinka ee xisbiyadda, isla markaana ay iyagu leeyihiin gacanta ugu danbaysa.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: #Hayaannewssoma@gmail.com