Guddoomiye Faysal Cali-waraabe Oo Shuruud Ka Xidhay Bilowga Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Faysal-Cali-Waraabe-

Hargeysa(Hayaannews):  – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa shuruud uga dhigay dib-u-bilaabista wadahadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya in marka hore maamulka Muqdisho fuliyo heshiisyadii labada dal hore u wada gaadheen.

Guddoomiye Faysal waxa uu farriin u diray ergayga dhawaan dawladda Soomaaliya u magacowday wadahadallada Somaliland, isagoo sheegay inay muhiim tahay in laga wadahadlo sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

“Soomaaliya iyo Somaliland hadday wadahlayaan mid uun baannu ka wadahadlaynaa, waxaannu ka wadahadlayna sidii aannu wax u qaybsan lahayn oo aannu u noqon lahayn laba dal oo walaalo ah,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaas ku daray, in loo baahan yahay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku bilaabmaan jewji wanaagsan oo walaalnimo ka muuqato, isla markaana la soo celiyo heshiisyadii labada dhinac hore u galeen, nabaddana laga wada shaqeeyo.

Eng Faysal waxa uu carrabka xoog ugu adkeeyey in qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland tahay lama taabtaan aan gorgortan geli karin, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Somaliland gorgortan gali mayso hada kiinii gorgortan galiseen oo 5 u qaybiseen. Annagu talada dalkayaga mar dambe cid la yeelan mayno.”

Faysal-Cali-Waraabe-

Ugu dambayn, Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya looga baahan yahay inay qirto in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madaxbannaanaa oo midoobay 1960kii, isla markaana dib u kala baxay 1991-kii.