Samafale-COLDOON Oo Ku Riyoodey Muuse Biixi Oo Iska Casiley Xilka Madaxweyne !!

Samafale Cabdi Maalik Muuse (COLDOON

WALLAAHAY  Waa Riyo Dhab Ah Oo Aan Arkay.

Hargeysa(Hayaannews); Samafale Cabdi Maalik Muuse (COLDOON) ayaa sheegay inuu ku riyooday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo iska casilay xilkii Madaxweynanimo.

Sidaa waxa uu ku sheegay qoraal koobaan oo uu ku saxeexan-yahay oo maanta nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Waxa aan ku riyooday aniga oo ku soo baxay dad meel ku urursan oo isugu jira shacab iyo askar , waxa la ii sheegay in uu baxsaday Muuse Biixi, xilkii madaxweynenimona  uu iska casilay,isaga oo ka baqaya dad uu godob ka galay intii uu xilka hayay , waxa ka mid ahaa dadka wax ka tirsanayay nin lacag baddan ku lahaa oo la i tusay waraaqo caddaynaya lahaanshahaa.

Dadka urursan waxa ay tubnaayeen meel u eeg magaalo duleedkeed, halkaas oo ay ka bidhaaminayeen soo qabashada Muuse oo lagaga daba tagay lagana soo qabtay meel miyi ah  oo lahayd dhir dhererkeedu meel dhexaad yahay,kuwo gaagaaban iyo buur sokodeed.

Riyadan waxa aan ku riyooday ka hor inta aanan suxuurta u soo kicin 19/Ramadaan/1444 – 10/April/2023.  Sawirkii riyadu illaa hadda si wacan buu iigu muuqdaa.”

Samafale Cabdi Maalik Muuse (COLDOON)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Musafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com