Heshiis cusub Oo Dhexmarey  Ergada Qaabilsan Nukliyeerka Dalalka Mareykanka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed

Envoys from Japan, South Korea and the U.S. shake hands before their meeting at the Foreign Ministry in Seoul, South Korea, April 7, 2023.

SEOUL,(Hayaannews) – Kuuriyada Koonfureed, Maraykanka iyo Japan ayaa ku baaqay in la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee dedaallada lagu mamnuucayo shaqaalaha ay Kuuriyada Woqooyi u dhoofiso dalalka debedda, iyo weliba in la xakameeyo weerarada dhinaca internetka ee dalkaas, taas oo lacagaha uu ka helo, uu ku maalgeliyo hubka nukliyeerka.

Ergada sarsare ee Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan u qaabilsan hubka nukliyeerka oo Jimcihii ku kulmay Seoul, ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa kororka gantaallada hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Tijaabadii ay dhowaan sameeyeen Kuuriyada Woqooyi ayaa muujinaysa inay weli gucle ugu jiraan inay helaan gantaallo horumarsan oo ay ku weerari karaan Maraykanka iyo xulafadiisa, halkii ay wadahadal ka geli lahaayeen.

Inkasta oo Qaramada Midoobay ay 11 jeer dalkaas ku soo rogtay cunaqabatayno, iyo weliba dhibaatooyinkii ka dhashay xanuunkii COVID ee dunida kala xidhay, haddana weli Kuuriyada Woqooyi waxay qaybo badan oo khayraadkeeda ah ay u isticmaashaa horumarinta hubka nukliyeerka.

Meelaha ay u badan tahay inay dhaqaalaha ka hesho waxaa ka mida, jabsashada lacagaha Internetka lagu isticmaalo, iyo weerarada sharcidarrada ah ee Internetka ay ka samayso.

Envoys from Japan, South Korea and the U.S. shake hands before their meeting at the Foreign Ministry in Seoul, South Korea, April 7, 2023.

AP