SOOMAALIYA: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Muqdisho Ka Mamnuucay Hubka iyo Gaadiidka Dagaal

Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud-Hayaannews

MUQDISHO(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu dhex wato hub culus iyo gaadiidka dagaalka, oo ay inta badan isticmaalaan siyaasiyiinta, madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu uga digay masuuliyiinta dowladda iney adeegsadaan awood ciidan ama si qasab ah ay ku maraan goobaha hubinta koontaroolada oo ay ku sugan yihiin ciidamada amniga.

“Gaadiidka Hubeysan ee beledka socda amni ma ilaalinayo ee waa xarrago sidaas awgeed joojiya waa amar, dadka Masuuliyiinta ah waa iney joojiyaan Gaadiidka hubeysan oo ay magaalada ku dhexmarayaan, Dadka Masuuliyiinta ah ha joojiyaan kontoroollada ay dardarayaan oo Gadiidka maraya jidadka waa in la baaraa qofkii rabo hawato ama ha sarnaado” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyay Masjid ku yaalla madaxtooyada waxa uu ku sheegay in ciddii amaradaasi jebisaa la la xisaabtami doono.

Md. Xasan Sheekh wuxuu amray in ganacsatada aysan keeni karin oo aysan ka ganacsan karin dharka ciidanka iyo agabka kale ee ciidamada, isagoona sheegay in cidii lagu arko iyadoo arintaasi ka shaqeyneysa in la horkeeni doono sharciga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud-Hayaannews

“Dharka iyo Qalabka kale ee ciidanka lagama ganacsan karo, lama keeni karo lamana soo dejin karo, tuutaha Shabaab ay wataan waxuu ku yimid laba arrin midkood oo kala ah mid Ganacsade sheeganaya oo irsaaqad ka raadinaya iyo mid Tuug ah oo baqaarada ciidanka ka xaday oo u geeyay Shabaab hab saddexaad ma jiro” Ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku dooday in dowladiisa ay ka go’an tahay dib usoo celinta amniga dalka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab.