Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud Iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

Mudisho(Hayaannews): Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya ayaa ka horyimid bixinta dhul ka mid ah Tiyaatarka Qaranka oo wasaaradda warfaafinta ay ka kireysay shirkad gaar loo leeyahay, balse markii dambe ay hakisay.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta “ay si cad ugu xadgudubtay nidaamka dowliga ah iyo shuruucda dalka maadaama Wasiirka Wasaaradda uu maamulka hantida Wasaaradda u maray sifo aan sharciga waafaqsanayn.”

Waxa uu sidoo kale Xafiiska Hantidhawrka Guud sheegay in bixinta dhulkan aysan wax dan/faa’iido ugu jirin guud haan shacabka iyo bahda fanka Soomaaliyeed, sida qoraalka lagu dhigay.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa faray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta afar qodob oo kala ah:

  1. In uu si degdeg ah uu gebi ahaanba u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka uuna Wasiirku muddo 72 sacaadood gudahooda marka warqadan soo gaarto uu soo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo bixinta dhulka Tiyaatarka Qaranka iyo in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu la soo wadaago dhammaan heshiisyada la xiriira dhulal kale oo ay Wasaaradda bixisay haddii ay jiraan;
  2. In Wasiirku uu si maangal ah oo mas’uuliyad ku jirto u maamulo dhulka danta guud ee Wasaaradda Warfaafinta;
  3. In arrimaha maamulka hantida Wasaaradda aan looga faa’iidaysan dano gaar ah ama shaqsiyadeed;
  4. In uu gacan siiyo bahda fanka iyo dhaqanka oo kaalin muhiim ah uga jira dib u dhiska dalka iyo wacyigalinta dadweynaha, uuna joojiyo tallaabooyinka dhibaataynaya bahda fanka iyo dhaqanka guud ahaan.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa dhinaca kale sheegay inuu uu si adag ugu digayo hay’adaha iyo mas’uuliyiinta Dowladda in ay hantida ummadda si sharci darro ah u maamulaan iyadoo laga faa’iidaysanayo xilliyada kala guurka ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa 30-kii August sheegay inuu hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka wasiir Dubbe ayaa, sida uu sheegay, yimid kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com