Komiishanka Doorashooyinka Oo Wakhtiga Kama Dambeys Ah U Qabtay Saddexda Xisbi Qaran Inay Ku Soo Gudbiyaan Liisaska Murrashaxiintooda.

Hargeysa (Hayaannews) – Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa wakhtiga kama dambaysa ah u qabtay Saddexda Xisbi qaran (UCID, KULMIYE iyo WADDANI) in ay ku soo gudbiyaan liisaska Murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka.

War qoraal ah oo lagu socodsiiyey saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu sheegay in ay maalinta Arbacadda ah ee 17 bishan ay gudbiyaan liisaska murrashaxiintooda goleyaasha Deegaanka.

Xeerka doorashooyinka, ayaa tilmaamaya in Xisbiyadu 75 maalmood ka hor doorashada in ay Komishanka u gudbiyaan Liisaska murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka, si ay hubin shuruudaha xeerka buuxiyeen.

HALKAN HOOSE KA DAALACO