“Kor-U-Kac Ku Yimi Qiimaha Shilinka Somaliland…..” Guddoomiye Cali-BAQDAADI.

“Waxa waajib ah inaanu qiima dhaca doolarku saamayn weyn oo taban ku yeelan nolol maal-meedkooda.”

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamc (Baqdaadi) ayaa shaaciyay inuu kor u kac ku yimi qiimaha Shilinka Somaland

Sidaa waxa uu ku sheegay Gudoomiye Baqdaadi qoraal koobaan oo uu maanta soo saaray, Kaas oo ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews waxaanu u dhignaa sidan:

“Qiimaha SLSH ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18th March, 2021 kor-ukacay 0.2% marka la barbardhigo Doolarka Maraykanka (US $).

Shalay, qiimaha halka Doollar waxa uu ahaa  SLSH 8,470,  halka uu maanta qiimaha SHSL kor ugu kacay 8,450.

Waxa qiimo korodhkaa sababay baahi weyn  oo Ganacsatadda & Bulshaddu u qabto isticmaalka SLSH, siiba musharaxiinta Golayaasha oo u baahday SHSL si ay ugu bixiyaan cashuurta iyo ololaha ay ku jiraan.

Balse, Baanka Dhexe ee JSL,  isaga oo eegaya maciishada dadka dakhligoodda ku hela doollarka Maraykanka,  waxaa uu Baanka Dhexe ku dadaalayaa inuu Qiimaha halka dollar ku soo celiyo  SLSH 8,500.

Waxa xusid mudan in qayb wayn oo ka mid ah  bulshada danyarta ah laga soo biiliyo Dibedda. Waxa kale oo jira dad tiro badan oo mushaharkoodda ku qaata doollar sidda shaqaallaha Meheraddaha Ganacsiga, Iskuuladda & Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay, Haay’adaha NGO’s iwm.

Waxa waajib ah inaanu qiima dhaca doolarku saamayn weyn oo taban ku yeelan nolol maal-meedkooda.

Waxa waajib ah in la isku miisaamo taklifadda nolosha labadda dhinac ee dakhliga  ku kala hela SLSH iyo Doollar.

Sidaa awgeed,  yoolka Baanka Dhexe ee 2021  waa inuu qiimaha halka doollar ku hayo agagaarka SLSH 8,500, oo aanu u aragno inuu  yahay Sicir Caadil ah ( Fair market rate ).

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com