Madaxweyne Biixi Oo La Saadaalinayo Inuu Korodhsiimo Samaysto Marka Muddo-Xileedkiisu Dhamaado Iyo Duruufo Ku Gedaaman.

Kaadiriiinta Kulmiye Oo Aaminsan Inuu Madaxweyne Biixi Quus Ka Joogo Inuu Mar Kale Ku Dhiirrado Inuu Doorasho Isku Soo Taago Marka Loo Eego Duruufaha Liita Ee KULMIYE Ku Sugan Yahay Iyo Tayo Xumada Xukuumaddiisa

Hargeysa, November 01, 2021- (Foore)- Muddooyinkii dambeeyey waxa si weyn isu soo taraya xaaladda ka taagan hadal hayn badan oo la xidhiidha korodhsiimo la sheegay in ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku hawlan tahay, maadaama la gaadhay kalka sannadkii ugu dambeeyey ee muddo xileedka Madaxweynaha, taasi oo durba ay soo baxayaan hadal hayn siyaasadeed oo xooggan oo xaaladdan la xidhiidhaa.

Inkasta oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu hore u ballan qaaday in uu doorashooyinka wakhtigooda ku qaban doono marka la gaadho haddana sida ay muujinayaan ifafaalaha wakhtigan muuqdaa, waxa ay qaar ka mid ah dadka ka ag dhaw Madaxweynaha gaar ahaan xubnaha Golaha Guurtida ee Muxaafidka ahi maleegayaan xadhko muddo kordhin ah oo la xidhiidha doorashada Madaxtooyada Somaliland iyada oo durba warbaahinta xubno Golahaasi ka mid ahi si badheedh ah uga shaaciyeen in Madaxweynuhu xaq u leeyahay muddo kordhin marka uu dhammaado wakhtigiisu.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda xisbul xaakimka KULMIYE waxa ay dareen ka qabaan dhaqdhaqaaq la’aanta iyo habacsanaanta ka muuqata Madaxtooyada iyo xisbigeeda KULMIYE in ay tahay ifafaale muujinaya in aanay diyaar u ahayn dooraasho wakhtigeeda ku qabsoonta marka la gaadho dabayaaqada sannadkan foodda innagu soo haya ee labada bilood ka hadhsan tahay iyada oo loo filayay in KULMIYE qabsado wakhtiga uu shirweynihiisa qabsanayo si uu ugu shaaciyo musharraxa doorashooyinka Madaxtooyada ee soo socda oo la filayo in uu markii labaad isu soo taago Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhaqdhaqaaq la’aanta ka muuqata xisbiga KULMIYE iyo madaxtooyada ee ku aaddan u diyaar garawga doorashooyinka soo socda iyo wax kasta oo ay jidka ku mari lahaayeen ayaa u muuqda kuwo gaabis ah halka taa baddalkeeda uu dardar culus muddooyinkii ugu dambeeyey ku socdo xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ah kan isagu talada dalka kula loollamaya xisbiga KULMIYE. Waxa ay noqotay Arrin layaab leh kadib markii Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) oo ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland uu toddobaadkan si badheedh ah warbaahinta u mariyay hadallo layaab leh oo uu ku sheegay in muddo kordhin Madaxweynaha loo sameeyaa ay sharci tahay isaga oo sheegay in aanay jirin wax u diidayaa taasi oo dad badani u fasirteen hadal siyaasadeed oo ra’yal caamka la sii galinayo oo loo sii faafinayo si bulshada loo gaadhsiiyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan isagu marnaba ka hadal wakhtigan xaaladda doorashada Golaha Guurtida iyo tan Madaxtooyada oo kaabinaya innagu soo haya labadubana ku beegan sannadkan soo socda ee 2022, lamana oga waxa uga qorshaysan qabsoonidda doorashooyinkaasi. Waxa kale oo aan la ogayn doorka Golaha Guurtidu ka qaadan doono xaaladdan iyada oo lagu yaqaano Golahaasi Muddo kordhinta Madaxtooyada ee sharci darrada ah.

Dhinaca kale xisbiyada Mucaaridka ayaa muddooyinkii dambe oo dhan waxa ay ku baaqayeen in loo diyaar garoobo doorashooyinkaasi lana dhammeeyo dhammaanba wixii shuruuc iyo imkaaniyaad ah ee suurto galinayay qabsoomidda doorashooyinkaasi inta aanay xaaladdu hadhaw noqon mid eeddeeda la isku tuurtuuro marka ay doorashadu wakhtigeeda gaadho.

Wargeyska FOORE

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com