“Madaxweyne, Soo Deynta Maxaabiista Ku Xidhan Laascaanood Waxa Saldhig U Ah Nabadgelyo Buuxda iyo is-fahan Siyaasadeed Oo La Hirgeliyo” Gudoomiyaha Hay’ada CAMPAD Axmed Yuusuf

Hargeysa(Hayaannews): Gudoomiyaha Hay’ada horumanta bulshada iyo xuquuqal isaanka (CAMPAD) Mr. Axmed Yuusuf Xuseen ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu ka hawlgalo soo daynta maxaabiista Ciidamada Qaranka ee ku xidhan Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Maxaabiistaas oo lagu qabtey dagaalkii dhacay 25kii August 2024, ilaa maanta na ku xidhan xabsiga  dhexe ee Laascaanood ayaa sida uu sheegay Gudoomiyaha CAMPAD waxa deyntooda saldhig u ah nabadgelyo buuxda iyo isfahan Siyaasadeed oo la hirgeliyo

Warqad furan oo uu ku socodsiiyey Madaxweyne Muuse Biixi maanta waxa uu Mr.Axmed Yuusuf Xasan, ku yidhi;

“Mudane Madaxweyne, waxa aannu si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa in aad si

buuxda uga hawlgasho sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista dagaalka ee laga haysto Somaliland

ee ku xidhan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Maxaabiistan xidhan waxa lagu qabtay dagaalkii dhacay 25 August 2023, maanta ilaa maalintaasina waxay xidhnaayeen, runtiina waa waqti aad u dheer oo mudan in laga hawlgalo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista ciidanka qaranka JSL.

Mudane Madaxweyne, soo daynta maxaabiista waxa saldhig u ah nabadgelyo buuxda iyo isfaham siyaasadeed oo la hirgeliyo, iyadoo aan loo baahnayn in arrintaasi la siyaasadeeyo, balse,loo baahan yahay in indho bani’aadanimo lagu eego, xalkoodana la raadiyo.

Waxaanan Madaxweyne ku rajo weynahay in aad aqbali doonto baaqa ku xusan warqaddan furan, iyadoo aan Ilaahay SWT ka baryayo inuu hawshaas inoo wada fududeeyo”.

Axmed Yuusuf Xuseen

Chairperson of COMPAD

Community development and human rights organisation

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland