Xasan Sheekh Oo Xoog Ku Maroorsadey Furasad Ciyaalka Soomaaliya Kaga Qaybgeli Lahaayeen Munaasibada Xuska Maalinta Caruurta Turkiga Oo lagu qabtey Dekeda  Muqdisho

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoog iyo indho adeyg ku maroorsadey fursadoodii Caruurta yar yar ee Soomaaliya kaga qaybgali lahaayeen  munaasibadii xuska Maalinta Caruurta Turkiga oo shalay lagu qabtey markab ku xidhnaa Dekeda Muqdisho, dushiisa. Taas oo Caruurta Jabuuti ay nasiib u yeesheen inay kaga qaybgalaan munaasibadaas oo  xeebta Jabuuti lagu qabtey  horaantii todobaadkan.

Xasan Sheekh iyo Caruurtiisa ayaa hore loogu eedeyey inay xoog kula wareegeen  shaqooyinkii qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Xamze Cabdi Bare, waxa na uu  iminka bilaabey inuu isbaaro u dhigto wax walba oo laga qabanayo gudaha dalka, isaga oo maraya heer uu u quudhi waayo caruurta yar yar ee Soomaaliyeed inay farxada la wadaagaan dhigooda Turkiga ee u dabaal degeyey xuska maalinta Caruurta Turkiga.