Madaxweynuhu Wuxuu Naga Yidhi”Dalka Waa La Difaacayaa,Doorashaduna Wey Dhaceysaa” Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Marwo Rooda Cabdi Muuse

Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Rooda Cabdi Muuse

Hargeysa(Hayaannews): Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Marwo Rooda Cabdi Muuse ayaa sheegtay in Madaxweyne Biixi ugu bushaareeyey Ururadda Siyaasada iney gali doonaan Doorasho toos ah oo ka dhaceysa 90% dalka Somaliland.

Marwo Rooda Cabdi Muuse oo ka hadashey ujeedada kulan dhex marey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Hogaamiyeyaasha ururada siyaasada ayaa xustey in uu daarnaa, mudeyn cad oo laga bixiyo doorashada, wakhtiga rasmiga ah ee bixinta kaadhadhka, xal u helida xaalada Laascaanood iyo dardargelinta difaaca dalka oo ah ayey tidhi; “Waajib qaran”.waxana intaas raacisey.

” Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay toos u cadeeyeen in dalku doorashada Ururada toos u geli doona. taas oo ka dhaceysa 95%.dalka”

Inkasta oo muran ka taagan dariiqa sharci ee loo marayo qabashada Doorashada ururada Maadama  uusan jirin xeer doorasho oo ay heshiis ku yihiin dhinacyada ay khuseeyso doorashadu, haddana, Gudoomiyaha Ururka Ogaal waxaay  sheegay in Madaxweyne Biixi u cadeeyey doorasho toos iney geli doonaan ururadu , kuna yidhi; “dalka  waa la difaacayaa, doorashaduna wey dhaceysa”.

Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Rooda Cabdi Muuse

Ugu dambeyn, Marwo Rooda waxa ay sheegtay inay ku dedaaayaan sidii ururka Ogaal ugu guuri lahaa Xisbinimo , Maadama ayey tidhi; ” aanu nahay cudud  dihin oo dalku sugayo”.