Xukuumadda Somaliland Oo La Horgeyn Doono Ansixinta Qobyo Qoraalka Siyaasadda Mushahar bixinta iyo Qaybinta Darajooyinka Shaqaalaha Dowladda.

Hargeysa(Hayaannews): Waxa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda kulan lagu soo bandhigayo isla markaana lagu ansixinayo qabyo-qoraalka Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda.

Shirkan oo ay guddoominaysay Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga iyo sidoo kale madax iyo masuuliyiin kale. Intii uu shirku socday, waxa halkaa laga  soo jeediyay warbixin ku saabsan qabyo qoraalka Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda, qaybaha kala duwan ee siyaasaddu tilmaamayso, soo jeedinta qaabaynta darajooyinka shaqaalaha iyo heerka mushaharooyinka ee darajo kasta yeelanayso iyo qodobbada kale ee siyaasadda.

Waxa sidoo kale laga warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay samaynta siyaasaddu iyo qiimaynta la sameeyay ka hor intii aan siyaasadda la samayn. Wasiirrada iyo madaxda kale ee halkaas ka hadashay ayaa soo dhaweeyay qabyo-qoraalka siyaasadda, iyaga oo sheegay in ay tahay wax loo baahnaa isla markaana wax wayn ka taraya dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo guud ahaan qarankaba, waxaanay ku baaqeen in marka Golayaasha qaranku waajibkooda ka gutaan in ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo dhaqan geliyo.

Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda ayaa dhawaan la hor geyn doonaa Golaha Wasiirrada si ay waajibkooda uga gutaan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Musafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com