Mareykanka Oo Cabsi Weyn Ka Muujiyey Khataro Ku Waajahan Meelo Baddan Oo Ka Mida Caasimada Soomaaliya

Mareykanka Oo Cabsi Weyn Ka Muujiyey Khataro Ku Waajahan Meelo Baddan Oo Ka Mida Caasimada Soomaaliya-Hayaannews

Muqdisho(Hayaannews):-Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa shaaca ka qaadday inay heshay xog ku saabsan halis aad u sarraysa oo si degdeg ah ugu waajahan dhowr goobood oo ka mid magaalada ah Muqdisho, kuwaas oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport oo xarun ah diblomaasiyiinta caalamka iyo taliska ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS.

War qoraal ah oo ay safaaraddu soo dhigtay boggeeda internetka caawa, waxa ay ku sheegtay in la joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqii shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho laga bilaabo berri Salaasada oo bishu tahay 9-ka April, 2024, sababo amni-darro darteed.

Waxay sheegtay in darajada afraad ee muujisa heerka halista soo waajahan oo ah halbeeg ay adeegsato Wasaaradda Airmaha Dibedda ee Maraykanka inay shaqaynayso, sababtooo ah fal-dambiyeedka, falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, arrimo caafimaad, aafduub iyo budhad-badeednimo ka dhici kara caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mareykanka Oo Cabsi Weyn Ka Muujiyey Khataro Ku Waajahan Meelo Baddan Oo Ka Mida Caasimada Soomaaliya-Hayaannews

Safaaradda ayaa ugu baaqday muwaaddiniinta Ameerikaanka ee ku sugan Muqdisho inay qaadaan tallaabooyin feejignaan aad u weyn ah oo ku sugayaan amnigooda.