Mudaharaad Ka Dhan Ah Dil iyo Kufsi Gabadh Loo Geystay Magaalada Burco.

Burco (Hayaannews): Mudaharaad lagaga soo horjeedo haweenay lagu dilay Magaalada Burco ayaa maalintii Sabtidii ka dhacay Magaaladaasi.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabaa Nimco Ibraahim waxanay ahayd gabadh xoolo la joogtay.Dilka gabadha xoolaha la joogtay ayan ilaahada la’ogayn cida ka danbaysay iyo sababta loo dilay.

Nimco oo markii la dilayay la joogtay xayn riyo ah oo ay lahayd ayaa eheladeedu aaminsanyihiin in la dilay kadib markii la kufsaday.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Togdheer ayaa warbaahinta warbixin kasiiyay dhacdadan, sheegayna in maydka marxuumadu uu ku jirro talaaggada maydka ee isbitaalka wayn ee Burco isla markaana ay ciidamada boolisku ku hawlanyihiin soo qabashada cidii falkan ka danbaysay.