Muhaajiriin Ku Dhintay Doon Ku Qallibantay Xeebaha Dalka Jabuuti

Jabuuti(Hayaannews): Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti dhawaan, kaddib marki ay la qallibantay dooni ay la socdeen.

IOM waxay sheegtay in sidoo kale la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta.

Qoraal ay IOM ku daabacday barta X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur. Shilkaan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca aagaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay masiibo laba toddobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib markii ay dagtay dooni ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah.

IOM ayaa sheegtay in xafiiskeeda Jabuuti uu ka qeyb-qaadanayo howlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dhibanayaasha.