Xarun Lagu Tababareyo Suxufiyiinta Somaliland Ayaa Markii Ugu Horeysay Laga Daah-furey Wasaarada Warfaafinta.

Wasiirro iyo masuuliyiin majeertay horumarka Wasaaradda Warfaafinta iyo Xarunta Tabobarka ee la furay

Hargeysa(Hayaannews)- Xarunta tababarka Suxufiyiinta Somaliland ayaa markii u horreysay laga daahfuray xarunta Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Xaruntan oo noqon doona mid ku talogalkeedu yahay inuu noqdo kulliyad Saxaafadeed, ayaa  waxa furitaankiisii ka soo qaybgalay Wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, waxbarashada, maaliyadda, isgaadhsiinta. Sidoo kale waxa daahfurka machadkan goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaal, Badhasàabkà Maroodijeex agaasimeyaal, masuuliyiin, suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in xaruntan lagu baran doono xirfada aasaasiga ah ee mihnada saxaafadda, isla markaana ay doonayaan inay u gogol xaadhaan sidii muddo kooban kadib machadkani isku beddeli lahaa kulliyad Saxaafadeed oo ay ka aflaxaan suxufiyiinta dalku.

“Dadka qaar ayaa yidhaahda meeshii uu tagaba quruxda iyo waxaas ayuu hagaajiyaa oo isagaa is dhisa. Qofku haddii aanu is dhisin oo meesha uu joogana dhisin, cid kalena wax tari maayo,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafìntu.waxaanu intaas ku daray “Muhiimad weyn ayey leedahay in Saxaafadda wax la baro oo ay waddaniyad yeeshaan.”

Wasiirka Waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Dr. Axmed Aadan  Buuxane, ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta, isbeddelka muuqda ee ay ku sameeyeen wasaaradda oo uu tilmaamay in ay mudan tahay in lagu abaalmariyo. Waxa kaloo uu ballan qaaday in wasaaradda waxbarashadu ay gacan ka geysan doonto hirgelinta  machadkan.

Sidoo kalena Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inuu wasaaradda warfaafinta ku bogaadinayo isbeddelka lagu sameeyay billicda xarunta wasaaradda iyo taabogelinta machadka Saxaafadda oo uu tilmaamay inay muhiim u tahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed ayaa tilmaamay  in aaminsanaa in Wasiir Cali Mareexaan ku habboon yahay wasaaradda warfaafinta, maantana ay marag ka yihiin inuu gaadhsiiyay heer lagu diirsado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Siciid Xasan Habane, ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray machadka tababarka saxaafadda ee wasaaraddu hirgelisay, waxaanay sheegeen inuu kaalin mug leh ka qaadan doono dhismaha aqoonta suxufiyiinta dalka.

Waxa kaloo xafladaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, agaasimaha Machadka shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax,  Cumar Iid Qoloombi oo ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan xarunta tababarka suxufiyiinta ee wasaaradda warfaafintu furtay.

Agaasimaha waaxda Wadaxidhiidhka ee Wasaaradda Warfaafinta, Jaamac Aadan Maxamed, Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), Sahra Ciidle Nuur, Axmed Cabdiraxmaan Xirsi  (Heello) iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Shaafici Maxamed Ibraahim ayaa ka warramay ahmiyada xaruntan iyo kaalinta saxaafaddu ugu jirto bulshada, waxana ay wasaaradda ku hambalyeeyeen dedaalka ay ugu jirto in la dhiso saxaafadda.

Sidoo kale badhasaabka Gobolka Maroodijeex Axmed Maxamed Caslin Tiimbaro ayaa soo dhaweeyay xaruntaas tababar, wuxuuna  sheegay in uu àad ula yaabo waxqabadka ay samaysay Wasaaradda oo uu ku majeertay horumarinta la gaadhsiiyay.

Ugu dambayn Wasiirka Warfaafinta ayaa xadhiga ka jaray xaruntaasi oo ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee dalka laga furo 33kii sannadood ee la soo dhaafay.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland