Murashax Soo Bandhigay Qodobadda Uu Ku Tartamayo. #Hayaannews

“Waxaan ahmiyad weyn siin doonaa kobcinta iyo tayeynta arrimaha bulshadda” Murashax Siciid Jaamac

Hargeysa(#Hayaannews): Murashax Siciid Jaamac Cali ayaa ugu baaqay shacabka reer Hargeysa inay codkooda u meel-dayaan, isla markaana tartamayaasha murashixiinta ku kala xushaan aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin arrimaha bulshada.

Sidaa waxa uu Murashax Siciid Jaamac ku sheegay Xafladii loo sammeeyey Shaacinta Murashaxnimada xilka Xildhibaanimada Golayaasha deegaanka ee uu ku tartamayo. Xafladaas oo uu maanta ku muujiyay cudduda taageerayaashiisa oo kumanaan qof gaadhayay. Isaga oo ka sharaxan Xisbiga Mucaafidka ah ee #KULMIYE

“Waxaan bulshadda caasimadda Hargeysa ku baraarujinayaa inay u meel dayaan codkooda, kuna kala doortaan musharixiinta tartamaya aqoonta, kartidda iyo waayo aragnimmadda ay u leeyihiin arrimaha bulshadda”. Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Jaamac oo ka hadlayay shacabweynaha reer Hargeysa.
Walaalayaal,
Sidii aan hore u sheegay waxaan u tartamayaa xubin golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ah. Ujeedadda ugu weyn ee aan hawshaa u galayaa waa inaan dalkayga iyo bulshadda caasimadda ku nool u adeego, qaybtaydana ka qaato sidii Hargeysa u noqon lahayd caasimad qurux badan.
Markii aan ku dhawaaqay inaan tartankaas galayo, guud ahaan bulshaddu si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen. Sidaas darteed, waxaan jecelahay inaan fursaddan uga faaiidaysto inaan u mahadnaqo bulshadda reer Hargeysa, degmooyinkeeda oo dhan, gudo iyo dibadba, taageeradda aan la qiyaasi karin ee ay ii muujiyeen.

Dad badan ayaa ila soo xidhiidhay. In badan ayaa fariimo ii soo diray. In badan oo kalena siyaabo kala duwan ayay dareenkooda iyo taageeradooda ku soo bandhigeen.
“ Waad mahadsan tihiin dhamaantiin. Waad I dhiiri galiseen”.Ayuu yidhi Siciid Jaamac. #Hayaannews.
“Waxaan xogogaal u ahay xaaladda dalka iyo dadka. Waxaan si wanaagsan uga dheragsanahay duruufaha iyo baahiyaha bulshadda caasimadda, waxaanan u arkaa inaan wax ka qaban arrimahaa.
Haddii ILAAHAY  igu guuleeyo xilkaas, idinkuna aad ii doorataan inaan ka mid noqdo golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, waxaan idiin balan qaadayaa inaan idiinku adeegi doono si hagar la aan ah. Waxaan noqon doonaa xildhibaan idinka idin matala oo la dareen ah dadkiisa, kana shaqeeya hagaajinta iyo horumarinta baahiyahooga. Si aan qorshahaas u fuliyo:
1. Waxaan kashaqayn doonaa in qorshaha horumarinta caasimadda ay bulshaddu u noqoto udub dhexaad, si caasimaddu u noqoto ta aad niyadda ku haysaan, hirgalinta qorshaheegana aad qayb muhiim ah uga qaadataan.
2. Waxaan kashaqayn doonaa xoojinta,tayeynta iyo horumarinta xafiisyadda degmooyinka caasimadda si maamulka loo daadejiyo.

3. Waxaa kale oo aan samayn doonaa qorshe suurto galinaya in aniga iyo bulshadda aan metelaa isku xidhnaano, si ay qayb uga noqdaan qorshaha horumarinta caasimadda. Tusaale ahaan, waxaan diyaarin doonaa kulamo furan oo aan bulshadda si joogto ah ula qaato.
4. Horumararinta kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka ama wadooyinku waa muhiim. Sidaas darteed, waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dayactirka jidadka caasimadda iyo samaynta jidad cusub oo tayo leh.
5. Waxaa ii qorshaysan in caasimadda lagabineeyo goobahaay dadweynuhu ku kulmaan, ku nastaan, kuna ciyaaraan (parks)
6. Waxaan ahmiyad weyn siin doonaa kobcinta iyo tayeynta arrimaha bulshadda:
a) Waxaan tixgalin siin doonaa in bulshaddeena danyarta ah la gaadhsiiyo adeegyadda tayo leh, kuna filan sida caafimaadka, waxbarashadda, biyaha IWM
b) Si nabadgalyadda caasimadda aanu doorkayaga uga qaadano, waxaan ka shaqayn doonaa sidii caasimadda loo wada gaadhsiin lahaa laydh-ka lagu xidho jidadka.
c) Waxaan dejin doonaa siyaasad cad iyo qorshe bulshaddu ka qayb qaadato oo kor loogu qaadayo nadaafadda iyo bilicda caasimadda.
Ugu dabayn, waxaan bulshadda Hargeysa uga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen hankayga murashaxnimo iyo taageeradda ay ii muujiyeen.
Mahadsanidiin.

 

Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net Goor kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ee Ha moogaa.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com