Nuxurka Kulan Dhexmaray Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE Oo Qoddobada Ay Ka Wada Hadleen

KULMIYE iyo WADDANI oo kulmayHayaannews

Nuxurka Kullan Dhexmaray Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.

Hargeysa(Hayaannews); Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay galabta magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo ahaa casuumad Afur ah oo uu sameeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana daba socday shirkii Madaxweynaha Qaranku la yeeshay xisbiyadan Arbacadii, waxa ka qayb-galay xubnaha hoggaanka labada xisbi oo ay kala horkacayeen – Guddoomiyahq Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Musharaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo kala weheliyeen madaxda sarsare ee xisbiyadu, waxaana lagaga hadlay arrimaha u diyaargarowga doorashooyinka soo socda iyo dhammeystirka wixii hawlo ah ee horyaala.

KULMIYE iyo WADDANI oo kulmayHayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com