SOMALILAND: “Dal Madax-banaan Oo Ku Naalonaya Xasillooni 30-kii Sanno Ee La Soo Dhaafay”

Nayroobi (Hayaannews)- Warbaahinta Theeastafrican, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay Dal madax-bannaan oo ku naaloonaya xasilooni soddonkii sanno ee la soo dhaafay, isla markaana asaasay hay’ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin baarlamaanka labada gole Wakiillada iyo Guurtida, bangiga dhexe, lacagta maxaliga ah, aqoonsiga muwaadinka iyo ciidamo.

Theeastafrican ayaa baahisay warkan oo ay ciwaan uga dhigtay ‘Somaliland waxay u dabbaal-degaysaa 30 sanno oo Madax-bannaani ah’. sidoo kale, The east African, waxay qoraalkeeda kaga hadashay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo halkii ay ka soo bilaabantay, taas oo ay ku tilmaantay mid xaasaasi ah.

Warkan ay baahisay Warbaahinta Theeastafrican, waxa ay ku bilawday qoraalkeeda “Somaliland waxay u dabbaal-degaysaa 30 sanno oo madax-banaani ah. Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa 30-kii sanno ee madax-bannaanideeda u dabaaldegtay, xaflado dabaaldegyo ah asyaa ka dhacay guud ahaan dalka Somaliland iyo caasimadda Hargeysa.

Somaliland oo ah Dal madaxbanaan wuxuu ku naaloonayay xasilooni soddonkii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna aasaasay hay’ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin baarlamaanka labada aqal oo loo yaqaan (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida), bangiga dhexe, lacagta maxaliga ah, aqoonsiga muwaadinka iyo Ciidamo.

18-kii May, 1991, Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dhacdadan xasaasiga ahi waxay ka dhacday magaalada Burco, oo dhinaca bari ka xigta magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland, ka dib shir dib-u-heshiisiin ah oo wakiillo ka socda qabaa’illo badani isugu yimaadeen shan bilood uun ka dib markii uu dhacay xukunkii keli-taliska ahaa ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre January 1991.

Madax-bannaaniada Somaliland waxaa ku dhawaaqay Jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Ummadda Soomaaliyeed ee (SNM), oo ahaa urur la dagaallamayay millaterigii Mr. Barre.

Gudoomiyihii xiligaas ee ururkii SNM Cabdirraxman Axmed Cali oo ku magac dheeraa Cabdiraxman Tuur, ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada Somaliland muddo labo sano ah oo ku meelgaadh ah.

Tan iyo waagaas, gobolku wuxuu qabtay dhowr doorashooyin madaxtooyo, iyada oo ay xilka maedaxweynaha soo mareen Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xukunka ku wareejiyay madaxweynaha Somaliland ee hadda Muuse Biixi Cabdi.

Toddobaadkan, xaflado xusid mudan ayaa ka dhacay magaallooyinka Somaliland oo ay hormuud u tahay Caasimadda Hargeysa. Muusigga caanka ah ee heesta qaranka ayaa ahaa mid aad ugu muuqda, gaar ahaan fagaaraha xorriyadda ee xarunta magaalada.

Baraha bulshada ee firfircoon ayaa tilmaamayay in Madaxweyne Biixi uu shacabka ugu hambalyeeyay Somaliland oo u dabaaldegaya sannad-guurada 30-aad. “Waa maalintii (18-kii May) aanu la soo noqonnay xorriyadii aanu luminay sannadkii1960,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, isaga oo ula jeeday sannadkii gobalku xorriyadda ka qaatay Ingiriiska, laakiin uu la midoobay dalkii la odhan jiray Soomaaliya ee Talyaaniga.

In kasta oo aanu aqoonsan waddan adduunka ka mid ah, haddana Somaliland waxay marti gelisaa xafiisyo diblomaasiyadeed oo tiro badan waxayna wakiilo ku leedahay dalal badan oo ka tirsan ama ka baxsan Africa, gaar ahaan dalalka deriska la ah, sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Magaca gobolka ee Somaliland wuxuu ka soo bilaabmay Maxmiyaddii hore ee British Somaliland oo ay xukumi jirtay Ingriiska ilaa uu dhulku xoriyadiisa qaatay June 26, 1960. Si kastaba ha noqotee, waxay la midowday Taliskii hore ee Talyaniga Soomaaliliya si ay u samaysato Jamhuuriyaddii Soomaaliya July 1, 1960.

Sida ku xusan diiwaanada, midnimadii Soomaaliya, ka hor Somaliland waxay ku naaloonaysay shan maalmood aqoonsiga 35 dal oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiska iyo ururada laba geesoodka ah sida Qaramada Midoobay.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

 

Hargeysa, Somaliland

 

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com