“Qofka kufsiga geysanayow Dhibanuhu Waa sida Walaashaa, inantaada, Hooyadaa iyo Ooridaada oo kale ee ka Fiirso ” Gudoomiye Maxamed Baaruud Cali

Hargeysa (Hayaannews)- Gudoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Maxamed Baaruud Cali ayaa uga digay qofka tacadiga u geysanaya dumarka inay walaashii, inantiisa, hooyadii ama ooridiisa oo kale tahay.

Munaasibad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Aadamaha, 10 December, oo lagu qabtay Hargeysa, kana soo qeybgaleen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Waiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Komiishanka Qoxootiga iyo Barakacayaasha JSL, Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland, Agaasimeyaal, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharaf kale oo tiro badnaa, ayaa Agaasimaha guud ee Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Cabdisamad Sacad ayaa faahfaahiyey waxyaabaha Komiishan ahaan u qabsoomay ee la xidhiidha ilaalinta Xuquuqda Aadamaha, waxaanu yidhi “Maanta waa Maalinta Caalamiga ah Xuquuqda Aadamaha, waxaynu u joognaa Xafladdan Wacyi-gelin in Dawlad iyo Bulshadaba lagu baraarugsanaado muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadamaha.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in sannadkan u suurto-gashay in komiishanku furo Xafiisyada Gobollada Awdal, Togdheer, Sool iyo Xafiisyada Gobolka Saaxil oo hadda ku jira Bar-bilowgii, ujeeddaduna waa in Dadka Gobollada la gaadhsiiyo Adeegyada uu Komiishanku bixiyo oo ay heelaan Wacyi-gelinta Xuquuqaadka iyo meel ay uga caban karaan arrimaha xuquuqal iinsaan ee soo gaadha..”

Masuuliyiin ka socday xisbiyada UCID & WADDANI oo munaasibada ka hadlay ayaa amaanay waxqabadka isla markaana ballan-qaaday inay garab taagan yihiin Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka JSL.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan oo isaguna hadal ka jeediyey Xuska Maalinta Xuquuqal Iinsaanka ayaa sheegay in Muwaadiniinta la xidho sharciga lagu hor-geeyo muddo 48 Saacadood ah, sababtoo ah waa sharci, ay booliska kula xisaabtan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Jamaal Cabdi Muuse ayaa sheegay in Dastuurka JSL uu damaanad qaaday Xuquuqda Shacabka Somaliland “Kalmadda xuquuq waxay Dastuurka JSL ku soo noqnoqotay 18 jeer, oo muujinaysa Dastuurkaagu ilaalinayo Xuquuqda Aadamaha..”ayuu yidhi.

Munaasibadda waxa kale oo ka hadlay Xubno ku hadlayey Magaca Ururrada Bulshada Rayidka ah, Komiishanka Barakacayaasha, Saxaafadda iyo Naafada waxayna amaaneen dedaalka Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka, waxayna sheegeen inay ku barbar-taagan yihiin.

Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka JSL Maxamed Baaruud Cali oo isaguna Xuskaasi ka jeediyey hadal kooban ayaa yidhi “Ilaahay Qur’aanka wuxuu ku yidhi ‘Waanu karaamaynay Bani-aadamka’ laakiin muu odhanin ‘Ragga ayaanu sharafnay’, markaa Xuquuqda Rag iyo Dumarb in loo sinaado oo weliba Dumarka iyo Carruurta la ilaaliyo waa wax mudan. “Qofkaa kufsiga geysanayow, dhibanahu waa sida walaashaa, inantaada, hooyadaa iyo ooridaada, markaa ka fiirso waxaad samaynayso.” ayuu yidhi,

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna Munaasibadda soo gunaanaday ayaa sheegay in nin kasta oo Xafiis joogaa Ummadda u xaq-soorkeeda ilaaliyo, taasoo ka mid ah xuquuqal iinsaanka. “Komiishanku wuxuu aasaasan yahay 10 sanadood, muddada uu Maxamed Baaruud joogayna wax weyn ama Tallaabooyin aad loogu dhiirado ayay qaadeen, sababtuna sida la sheegay Maxamed wuxuu ahaa Dadkii lagu dhibaateeyay fikirkiisa shaqsiga ah..” ayuu yidhi.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland