Sadex Caruur Ah Oo Ku Naf Waayay Roobab Ka Da’ay Gobolka SAAXIL.

Laasciidle (Hayaannews) Sadex caruur ah ayaa ku naf waayey daad ka soo rogmaday Roobab xoogan oo ka da’ayey deeganka xididaalay ee Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil.

Roobabka ayaa gelinkii dambe shalay (Doraad) iyo habeenimadii xalay (habeen hor) ka da’ayey deegaankaasi.

Gudoomiyaha degmada laasciidle Aadan Cumar Cali ayaa sheegay inay daadkan oo ka soo rogmaday buuraleyda Koonfurta laasciidle inay sababeen dhimashada 3 Caruur oo ku suganaa gurigooda oo ku yaalay baadiyaha deeganka xididaalay , sidoo kale waxaa uu sheegay inay daadku qaateen xoolihii oo ay ku jiraan Awrtii la raran-jiray .

Waxa uu intaasi uu raaciyey inay daadadkani ka badbaadeen ilaa shan qof oo kale oo ay qaateen , gudoomiyuhu waxaa sheegay inay wadaan tira koob ku saabsan khasaaraha roobabku u gaysteen dadka reer guuraga ah ee deeganadaasi, taasi oo ay rabaa inay ku ogaadaan khassaraha dhanta ah ee uu gaystay roobkaasi ka da’ay deegaanka Laasciidle iyo deegaanada hoos yimaada.

Roobabka gu’ga ayaa ka curtay guud ahaan deegaanada iyo gobollada Somaliland, kuwaasi oo isugu jira kuwo xoogan iyo kuwo lagu diirsado