SANAAG: Biyo-gelin laga Hirgelinayo Afar Magaalo

Hargeysa (#Hayaannews)- Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa sheegtay inay afar magaalo oo hoos yimaada gobolka Sanaag ka fulinayso mashruuc dhinaca ballaadhinta biyaha ah.

War ka soo baxay wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland,oo ay heshay Shabakada Wararaka ee #Hayaannews, ayaa lagu sheegay in wasaaraddaas ay heshiis lagu hirgelinayo nidaamkaas biyaha la saxeexatay hay’adda Islamic Relief.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta khayraadka biyaha, Maxamed Xasan Dirir, ayaa sheegay in masharuucaas biyaha ah laga hirgelin doono afar magaalo oo ka tirsan goboka Sanaag, kuwaas oo ay ka mid yihiin Doonyaha, Kal-mac, Kal-amaan iyo Bixin-dhallaax, waxaanu agaasimuhu intaas ku daray in degaanadaas midkiiba laga dhisi doono laba keyd biyood, oo midkiiba ay qaadi doonto 14 kun oo foosto.

Maxamed Xasan Dirir Agaasimaha Wasaaradda Biyuhu wuxuu sheegay in mashruucaasi yahay mid ay u dhammaan doonaan adeegyadii looga baahnaa, iyadoo biyaha ceelka ka soo baxaa ay toos u tagi doonaan magaalooyinkaas, isla markaana ceelashaas biyo soo saarku ay ku shaqayn doonaan tamarta cadceeda.

Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net Goor kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ee Ha moogaa

#Hayaannews, Office

#Hargeisa, Somaliland