“Somaliland Ayaa Looga Baahan-yahay Inay Garato Danta Ay Ka Leedahay Xidhiidhka Cusub Ee Maraykanka.” Siyaasi Cali-GUREY.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-GUREY)

Xidhiidhka Cusub ee Somaliland Iyo Dalka Mareykanka

Hargeysa(#Hayaannews) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-GUREY), ayaa ugu baaqay Dawlada Somaliland inay garato danta ay ka leedahay xidhiidhka cusub ee Mareyka.Kadib markii dawlada Mareykanku ay Somaliland u soo dirtay Weftigii ugu miisaanka cuslaa tobbankii sannadoodee ugu danbeeyey.

Sidaa waxa uu Siyaasi Cali Gurey ku sheegay qoraal uu soo saaray caawa oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“In kasta oo aanu gaadhin heer la odhan karo dagaal qabow hadana waxa jira dagaal jiyo-siyaasi ah oo ka dhex socda dawladaha waa wayn oo si gaar ah isugu haya dano dhaqaale iyo amni meelo badan oo dunida ah sida Yurub, gaar ahaan khilaafka NATO iyo Ruushka meelaha ugu darnaa beryahan dambena waxay ahaayeen khilaafka yukreyn iyo Badda Madow.

Waxa ka taagan tahay Koonfur bari Asiya (south east Asia) iyo marinka Badda Koofureed ee Shiina oo Maraykanka iyo Shiinuhu isku hayaan dalalka kale ee mandaqadaasi iyo kale ee danaynayaa ay la kala safan yihiin.

Waxay ka taagan tahay muddo dheerna ka taagnayd Bariga Dhexe ha sheeshee xiligan Iran oo isu dhigtay quwadda koobaad ee gobolka iyo Israel ay qarka u saaran dagaalba ay ka gaadho. Iran waxay saamaynta ugu wayn ku yeelatay dalalka carbeed intooda badan marka laga reebo wadamada Khaliijka kuwaas oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Syria, Labnaan, Yaman, iyo weliba dhulka Falastiin. Israel dabcan waxa daba taagan Maraykanka markii ugu horaysayna waxay xidhiidh caadi ah la yeelatay wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, iyo Baxrayn, Sudan, Morocco iyo kuwo kale.

Maraykan iyo Reer Galbeedka guud ahaanba waxa welwel wayn ku haya sida uu Shiinuhu ugu fiday Qaaradda Afrika guud ahaan oo ay sabab u tahay saboolnimada ka jirta qaaradda iyo maalgshiga deynta Shiinuhu ku qabsaday wadamo badan oo Afrika ah.

Marka la isku daro wadamada loo yaqaan G7 maalgashigooda Afrika marka la isku wada daro waxa aad iyo aad uga badan maalgashiga Shiinaha keligii.

Gaar ahaan Bariga dakalka maalgashiyada deynta ah uu geliyay ma yara. Gaar ahaan Geeska Afrika wuxu xididadda aastay Jabuuti iyo Itoobiya. Weliba Jabuuti wuxu ku yeeshay Saldhig Miltari oo noqday kii ugu horeeyay ee Shiinuhu ku yeesho dhul ka baxsan dalkiisa.

Taas oo macnaheedu yahay wuxu u soo fadhiistay Maraykan iyo reer Galbeed marinka muhiimka ah ee Baabul Mandab. Taas oo gaadhi karta heer Shiinaha loo daba fadhiisto albaabka Geeska Afrika iyo weliba amaanka marinka Baabul Mandab taas oo Maraykanku aanu sinaba uga raali noqon karin

Hadaba si uu uga falceliyo Maraykanku in uu Geeska Afrika u gacangalo Shiinaha waxa u furan keliya in uu xidhiidh toos ah la yeesho Somaliland oo uu Berbera soo dego inta aan Shiine ama Ruush u soo fadhiisanin.

Intii muddo ahayd khubaro badan oo Mareykan ah iyo kuwo aan Maraykan ahayn ee dalalka ay saaxiibka dhaw yihiin sida Israel ayaa Maraykan ku dhiirigelinayay inuu dedejiyo xidhiidhka Somaliland iyagoo ku boorinayay in ay muhiim u tahay dhinaca dagaalka Jiyo-siyaasiga ee ka dhexeeya isaga iyo NATO oo dhinac ah iyo Shiinaha iyo Ruushka oo dhinaca kale ah. Hadii Maraykanu wax badan hore uga dhego adayga hadda ayay dani u run sheegtay oo uu ka soo degay Hargeysa isagoo oodihiisii iyo udbuhiisii wata.

Waftigan culus oo ah kii ugu miisaanka waynaa ugu yaraan tobankii sanadood ee ugu dambeeyay ayaa loo qaadan kara bilaw xidhiidh cusub oo Somaliland iyo Maraykanka ka dhexayn doona mustaqbalka dhaw.

Maraykanku halka uu dan ka leeyahay ma jirto wax uu xeeriyo oo aan dantiiisa ahayn oo cidna uma joojiyo. Sidaa daraadeed Somaliland ayuun baa looga baahan yahay in ay si fiican iyadu u garato danta ay ka leedahay xidhiidhka cusub ee Maraykanka. Waayo wuxu gaadhi karaa ilaa iyo heer ay markii ugu horeysay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com