SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dagaalka Ruushka iyo Ukraine, Fariina U Direy Ganacsatada Dalka

Hargeysa (Hayaannews))- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Saamaynta ka dhalatay xaaladda Abaareed ee ka jirta Somaliland iyo sida uu bulshada u saameeyey Sicir-bararka ku yimi Maceeshadda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag ugu hanjabay Ganacsatada Dalka intooda badan oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen gurmadka Abaaraha isla markaana ay sabab u yihiin sicir-bararka ka jira dalka, waxaanu sheegay inay jiraan Ganacsato mana-xayaal ah oo danahooda gaarka ah uga faa’idaysta xilliyada ay dadku dhibaataysan yihiin.

Md Muuse Biixi Cabdi oo shalay xadhigga ka jaray Buundo laga hirgeliyey Dooxa Dacar-budhuq oo ku yaalla Jidka laamiga ah ee Isku xidha Hargeysa iyo Berbera, ayaa ugu horeyn ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta oo uu sheegay in sida wax u jiraan la buun-buuniyey.

“Walaalayaal dalkan waxaa ka jirta Abaar kulul sidii Ilaahay looga bartay Todob ayaa bilaabmaya 50-habeen ka bacdi baa Roob kii la filayaa, dalka  dhammaantii inta badan waxa ka jira biyo la’aan, weli waxaynu ku ladanahay Xooluhu daaqii way haystaan oo wali may liicin, sida dadka qaarkii wax uga tebinayaan Saxaafadda maaha , belaayo aan Ilaahay kuu keenin in loo yeedho maaha, Dhibaatada taagnayd labadii bilood ee lasoo dhaafay iyo konton kaa habeen ee inoo hadhay waa biyo la’aan biyahaana intii hore dawladda ayaa wadday haddana waxaa kusoo biiray inta aan oggahay saddex ganacsade oo mid waliba bixiyey 1000-booyadood ballan qaadayna inay wadayaan inta biyo la’aantaasi jirto,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xusay inaanay ganacsatada badankoodu ka qeyb qaadan Xaaladaha lasoo gudboonaada dalka waxaanu yidhi, “Waxaa laga yaaba inaan ganacsatadu badankeedu aanay ka qeybgelin dhibaatooyinka dalka  ka dhaca, afar qof baa lagu eegaa taasina xaq maaha, waxaan hubaa Xoolaha Somaliland hayso hadday isu gurmato in aynaan u baahnayn baryo bani-aadam, waxaan usoo jeedinayaa Ganacsatada, qurba-jooga iyo qofkii wax hayaba in markay dhibaato jirto uu ka qeyb qaato uma baahnin baryo. Dawladdu waxay ku dedaashay labadii bilood ee ugu danbaysay 45-Ceel baa la kiciyey kuwii hore ee socday mooyaane.”

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay Dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo saamaynta ka dhalatay, waxaanu yidhi, “Maanta adduunka waxa ka dhacaya waad ogtihiin, dagaal baa ka dhacay adduunka oo dhan saameeyey dawladihii waa weynaa way kala urursadeen nin waliba wixiisi wuu xaraystay inay ciidamada isu urursadeena waad ogtihiin, dhaqaalihii adduun maamuli jiray nin waliba wixiisi wuu ootay nin walowba maxaad tabcatay ayaa soo socota”.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay sii daayeen Shiidaalkii ganacsatadana waxa uu ugu baaqay inay shacabka ka jebiyaan qiimaha shidaalka. “Imika dhibaatooyinka ina haysta waxaa kamida Shidaalkii, shidaalka imika waxbaanu ka bedelnay sharcigii hore waa inaynu helnaa keyd shidaal ganacsatadana waxaan ka codsanaynaa inay waxay hayaan keenaan, wixii jirana waanu isla eegaynaa waayo ganacsadaha waxaa laga rabaa inuu ku jaban oo aan Gaadiidka dilin uu keeno , maanta kii ugu horeeyey waa joogaa Dahabshiil baa leh wuu taagan yahay waanu soo daynaynaa kuwa kalena waan soo daynaynaa hadday keenaan inta abaarta lagu jiro iyagana waxaa laga rabaa inay shidaalka jebiyaan maadaama wax badan iyaga loo fudaydinayo Dekada”.

Laamaha amniga iyo Wasaaradda Ganacsiga ayuu faray Madaxweynuhu inay tallaabo ka qaadaan ganacsatada dadka alaabaha ka xaraysta marka dhibaato timaado si ay ugu qaaliyeena “Waxaa jira ragg ka macaasha marka ay dadku dhibaataysan yihiin oo inta uu alaabta xaraysto dadka ku qaaliyeeya taasi  Diintana waa ka mamnuuc dadnimadana waa ka mamnuuc, hay’addaha ku shaqada leh ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidamada Boolisku ka mid yihiin inay ilaaliyaan ka dadka ka xaraysanaaya marka ay dhibaataysan yihiin alaabta ee ku qaaliyeynaya talaabana laga qaado”.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan Bulshada Somaliland taasoo ah in dunidii uu dagaal ka socdo loona baahan yahay sidii looga gaashaaman lahaa. “Somaliland waxaan u dirayaa fariinta ah waar dunidii dagaal baa ka socda bad xidhan baa soo socota nin waliba itaalkiisuu marayaa waxaynu u baahanahay inaynu dib isu eegno oo aynu nidhaahno maxaynu waxan kaga bixi karnaa oo raggu masuuliyada isa sii saaro oo aanay meel hoose ka fikerin, jaadkaa ka mida dhibaayiinka ina haysta inagoo waxaa ku jirta maalintii inta qaad inagaga baxda intaasoo hawla ayey inoo qaban lahayd waa se aafo laynagu darsaday malaa duco ayuun baa inaga saari karta iyo caruurteena oo aynu kala dardaarano inteena waa weyn wuu dishooday intuu inaga dilayna Ilaahay baa og,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi