SOMALILAND: Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay u Diyaar-garwga Xuska Sannad Guurada 31aad ee 18-ka May

“Dhammaan Ciidamada qalabka sida ee Somaliland waxa ka muuqata sharaf iyo karaamo iyo u diyaargarowga”

Wasiirka oo kulan ku saabsan dardar galinta hawlaha xuska 18-ka May la qaatay Agaasime waaxeedyada wasaaradda Warfaafinta

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuridda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May kaalinta u diyaargarowga ee Ciidamada qalabka sida Xuska Sannad Guuradda 31aad ee 18 May.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somailalnd ay u diyaargaroobeen Maalinta la soo noqoshada Qaranimada Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, waxaana uu ku ammaanay sida ay ugu diyaargaroobeen.

Wasiirka oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhammaan Ciidamada qalabka sida waxa ka muuqata sharaf iyo karaamo iyo u diyaargarowga, waxaana aan ku ammaanayaa dhammaaan Ciidamada sida ay u ugu diyaargaroobeen Maalinta la soo noqoshada Qaranimada Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland. aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay hadaanu nahay gudida heer qaran sida Ciimada ay u wadaan hawshaas u diyaargarowga Xuska 18 May ee soo socota, aniga oo ku hadlaya afka gudida aad iyo aad ayaa ugu mahadnaqayaa Taliyaasha Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, shaqo macno leh ayay qabteen guul ayaanan urajaynayaa”.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa shay kulan dardar galin hawlaha shaqo iyo xuska 18-ka May la qaatay Agaasime waaxeedyada wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL.