SOMALILAND: Xukuumadda Oo Shaacisay Inuu Dilaacay Xanuunkii Jadeecadu

Hargaysa (Hayaannews): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in xanuunka Jadeecadu uu farro baas ku hayo bulshooyinka ku kala nool goboladda Awdal, Sool, Togdheer, iyo Maroodijeex oo uu dad badan soo ritay ayna u jiifaan xanuunkaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in sidoo kale caabuqa Covid-19-ka uu mar kale u muuqdo inuu soo rogaal celiyay, isla markaana lagu arkay dad ku nool meelaha Baadiyaha ah oo uu soo ritay ee ka fog magaalooyinka.

Xasan Gaafaadhi, waxa uu xusay in dadka ku nool meelaha miyiga ah ee uu haleelay Coronavirus ay soo xaqiijiyeen hawl wadeennadda wasaaradda caafimaadku.

Wasiirku waxa uu ka waramay dedaaladda loogu jirro ka hor taga xanuunadda Jadeecadda iyo Covid-19-ka, ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ka wado dhamaanba goboladda iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka caafimaadka oo shalay hadal ka jeediyay madal ay ku shaacinayeen bilawga ololaha talaalka ah Jadeecadda oo bishan 22-keedii ka bilaabmay goboladda Maroodijeex, iyo Gabiley, iyo talaalkii Covid-19-ka oo isna dalkoo dhan ka bilaabmay bishan aan ku jirno 23-keedii ka bilaabmay.

“Xanuunka Jadeecadu beryahan danbe xoog ayuu uga jiray wadanka, goboladda qaarkoodna faro-ba’an ayuu ku hayaa, dhibaatooyin badan na wuu gaystay. Sidaa darteed, waxaa lagama maar-maan noqotay in cudurkaasi talaalkiisa iyo daawayntiisaba ay wasaaradu si gurmad ah u gasho.

Goboladda Sool, Togdheer, iyo gobolka Maroodijeex, saddexdaas gobol ba cudurka Jadeecadda si weyn ayaa looga dareemay. Dhibaatooyin badan ayuu gaystay, dad badani na way u soo dhaceen, ama wuu soo ritay.