#SOMALLAND: Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Fal Naxdin Leh Oo Ka Dhacay Hargeysa

Hargeysa(Hayaannews):- Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah  oo,kadib markii uu saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee  Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah, Eedaysanaha ayaa ka mid ahaa darawallada gaaddiidka ee  Dawladda Hoose Hargeysa.

Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay  gacanta ku soo dhigay edeysanaha iyo gaadhiiga-ba  waxaanay  ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska.Waxaanan  sida  ugu dhakhsaha baddan loo horgayn doonaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa  uu murugada la qabsanayaa  ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay, waxaanan alle  uga baryaynaa inuu  naxarisitii janno haka waraabiyo.