SOOMAALIYA: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Saxeexay ‘Nuqulka Rasmiga Ah’ Ee Dastuurka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud-Hayaannews

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadda maanta ah saxiixay ‘nuqulka rasmiga ah’ ee cutubyadii dastuurka ee ay Sabtidii shalay codka aqlabiyadda leh ku ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi Bayaanka Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray “in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.”

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in munaasabadda saxiixa ay goobjoog ka ahaayeen guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud-Hayaannews

Wax ka bedelka Dastuurka ayaa waxa ka horyimi siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo maamul goboleedka Puntland.