“Waxaan Maqlayay Qaar KULMIYE Ah Oo Leh is-bahaysigu Waa Xaaran, Ma Berigaas Ayuu Xalaal Ahaa” Guddoomiye CIRRO.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO), ayaa sheegay is-bedelkii ay umaddu u codeysay uu  marag u yahay dhalinyarada aan u sharaxnay.

Sidaa waxa lagu sheegay hadhimo sharafeed lagu maamuusay Golayaasha deegaanada Maroodi-jeex iyo Burco oo  maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

“Is-bedelka ay umaddu u codeysay waxa marag ka ah dhalinyarada aan maayarada iyo maayir kuxigeenada, oo aad arkeysaan inta ay da’adoodu leeg tahay….waa is-bedelkii dhabta ahaa ee ay umaddu codeysay”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-CIRRO oo ka hadlayay Casuumadaasi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan maqlayay qaar KULMIYE ah oo leh is-bahaysigu waa xaaran,ma berigaas ayuu xalaal ahaa”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 #Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com