“Somaliland Waxay ku Guuleysatey in Dhalinyarada La Horumiriyo oo La gaadhsiiyo heer Caalami ah iyo in Ciyaaryahanada Somaliland Lagu Kala iibsado &5000 Doollar ” Wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland,Md. Cabdirisaaq Muuse Faarax

Hargeysa(Hayaannews):Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa tafaasiil ka bixiyey guulihii ay gaadhey xukuumadda Somaliland saddexdii sannadood ee u dambeeyey isaga oo tilmaamey in horumar balaadhan laga gaadhey horumarinta xirfadaha dhalinyarada reer Somaliland, gaar ahaan Ciyaaryahanada kubada cagta oo uu xusay in lagu kala iibsadey qiimahii ugu sareeyey oo dhan &5000 Doollar.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay mudnaanta siisay sidii loo dhisi lahaa bulsho caafimaad qabta oo xirfad iyo aqoon leh.

Isaga oo sharaxaad ka bixinaya siyaasada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mr. Cabdirisaaq Muuse Faarax waxa uu yidhi;

“Siyaasadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa aasaas u ah in markasta laga duulo Istaraatiijiyad Cad oo lagu Horumarinayo Dhallinyarada Qaranka, isla markaana maanafeestada Xisbiga ku qoran.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md. Cabdirisaaq Muuse Faarah.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Saddexdii sannadood ee u danbeeyey horumar balaadhan ayaa laga gaadhay in dhalinyarada la horumariyo, oo la gaadhsiiyo heer caalami, inay Ciyaaryahanada Somaliland ay gaadhaan in lagu kala iibsado $5000 Dollar oo qiimahoodu uu sare u kaco oo waxa loo abuuray xirfado oo gobolada oodhan waxa lag sameeyey xarumo loogu tallogalay in dhalinyarada lagu baro xirfadaha oo waxa laga gaadhsiiyay in shaqo abuur loo sammeeyo.”

“Garoomada in laydh lagu sameeyo oo shaqo abuurka iyo hal-abuurkaba la badiyo oo aan horumarino hibooyinka ay bulshadu leedahay gaar ahaan dhalinyaradu.Siyaasad ahaan inay ku xidhmaan dunidda kale, isla markaana la xoojiyo cilaaqaadka ay dhalinyaradeenu la leedahay dhalinyarada kale ee dunidda.“Siyaasaddda Xisbiga KULMIYE iyo dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi inay mudnaanta diirada ku saarayaan in la xaqiijiyo bulsho caafimaad qabta oo xirfad iyo aqoonba leh.”.Ayuu yidhi Wasaiir Cabdirisaq Muse Farax oo u waramayey qaar ka mida Warbaahinta Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdirisaaq Muse Farax ee haatan xilka hayaa waa Wasiirkii ugu haboonaa ee wasiir ka noqda wasaaradda ee abid soomara.

Markii aanu aragnay dadaalka iyo waxqabadka la-taaban karo ee ay samayay wasaaraddu mudadii gaabnayd ee uu Wasiirkani xilka hayey, waxaanu u aragnaa inuu wasiirkani yahay wasiirkii ku haboonaa ee xilkaas qabta ee abid soomara wasaaradaas. Is-bedelkaas iyo wax-qabadkaas uu wasiirku ku sameeyey mudada gaaban waxaa u suurtogeliyey kadib markii uu si wada-jir ah u hawlgeliyey aqoonyahano kala duwan oo wasiirka iyo wasaaradda guud ahaan kala taliya hawlaha horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha ee ay wasaaraddu waddo. Sidaas darteed, waxaanu bulshada guud ahaan kula talinaynaa inay si buuxda u garab istaagaan wasiirkan dhalinyarada ah ee sida daacada ah uu adeegaya dalkiisa. Waxaanu kale oo aanu xisbiyada mucaaradka iyo dadka kale kula talinaynaa inay joojiyaan dhaliilaha iyo cambaaraymahaloo jeedinayo wasaaradda ciyaaraha ee aan wax cadaymo ah loo haynin.

Ugu dambayntii waxaanu madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku leenahay marka hore waad ku mahadsa tahay inaad usoo magacawdo xilkan wasiirkii ku haboonaa. Waxaanu kale oo aan mudane madaxweyne kugula talinaynaa inaad garab istaagto wasiirkan daacada ah si uu xaqiijiyo inay wasaaradani gaadho himilooyinkeeda ay hiigsanayso.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland,Md. Cabdirisaaq Muuse Faarax

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland