Xukuumadda Somaliland Oo joojisay Gebi Ahaanba Mashaariicdii Horumarineed iyo Bajadkii Wasaaradaha Dowladdu.

Wasiirka Beeraha Somaliland Cabdulqaadir iimaan Warsame,

Hargeysa(Hayaannews): Xukuumada Somaliland ayaa  cadFeeysay in hoos-u-dhac aad u weyni ku yimi dakhligii dalka Somaliland labadii sanadood, sababo la xidhiidha afooyin ku habsadey qaar ka mid ah ilaha dakhli dowlada. Sida,Masiibadii ka dhacdey suuqa  Ganacsiga Waaheen, Ganacsigii oo ka wareegay Dekeda Berbera iyo Seyladii  Wajaale oo xidhmay.

Wasiirka Beeraha Somaliland Cabdulqaadir iimaan Warsame, oo shalay hor tegay guddida joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa uga xogwaramay xaalada guud ee dalka , gaar ahaan dhaqaalaha dalka oo uu sheegay inuu gaadhey heerkii ugu liitey abad iyo inuu si xun u saameeyey dagaalka Laascaanood, Waxana uu cadeeyey in Xukuumadu sameysay qorshe ay ku joojiyey gebi ahaanba Mashaariicdii horumarineed iyo bajadkii ay ku shaqeyn jireen Wasaaradaha Dowladdu.

“iminkana dagaal baa lagu jira oo waaba tii oo lax qalatey” ayuu yidhi; Wasiirku waxana uu xusey in la jarey bajadkii Wasaaradaha , sido waxaa la joojin doona Mushaharka Wasiirada oo ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka Laascaanood” ayuu yidhi;

Wasiirku Waxa kale oo uu ka digey khatar Caafimaad daro oo ka dhalan karta isticmaalka cuntooyinka sameyska ah oo uu sheegay iney soo galeen dalka Somaliland. Waxana uu  soo jeediyey in kor loo qaado  waxsoo saarka dalka gudahiis.si meesha looga saaro baahida cunto ee ka jirta dalka.

“Cuno yaraan iyo roob la’aan baa ina soo food saareysa, maxaa inoo talo ah” ayuu yidhi; Wasiirku.Isaga oo farta ku fiiqaya waxyeelada Caafimaad daro ee ka dhashey isticmaalka bariiska caaga ah waxaa tilmaamey in ay ka dhasheen cuduro ay ka mid yihiin Faalig, Wadne xanuun iyo boog calooleed.kuwaas oo uu sheegay iney asiibeen dad badan oo qaarkood lagu dabiibayo cisbitaalo dalka dibadiisa ah.

” Bariiskii Baasarcaha ee quruxda badnaa ma jiro , mid  caag ah baa laynoo keenaya oo waa kaas faaligu inagu wada dhacayo oo beerka iyo wadnaha leynaga qalayo” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Beeraha Somaliland Cabdulqaadir iimaan Warsame,

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Musafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com