“Rabitaanka Dadka Ha La Ixtiraamo, Qoryaha Ha La Dhigo Xabadda Ha La joojiyo” Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isla markaana miiska wada hadalka la isugu yimaado.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidanka maaleeshiyaadka deegaanka ayaa waxa illaa hadda ku dhintay 38 qof, halka 132 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu war-baahinta u xaqiiyay Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Laascaanood Axmed Maxamed Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag uu xalkeedu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana uu ku dhex jiro siyaasadda guud ee lagu raadinayo midnimada Soomaaliya.

“In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah maaha, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo, qoryaha hala dhigo xabadda ha la joojiyo, ha la wada hadlo, miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Shekeh.

Waxa uu intaas ku daray inuu diyaar u yahay in meel kasta oo nabaddaas looga hadlayo uu tago, oo uu la fariisto cid kasta oo nabaddaas ka wada hadleysa.

Waxa uu odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka ugu baaqay inay nabadda ka taliyaan, ayna la hadlaan inta dagaaalka ku lugta leh, oo ay wiilasha qoryaha wata ka qaadaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin inay sii socoto daadashada dhiigga, haddii “Aan lagu difaaceyn diinta iyo dowladnimada.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com