Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) waxa uu u qalmaa Madaxweyne, isaga oo ku kasbaday inuu ka soo baxay hawlihii Maayirnimo ee loo doortay
*Berberay bilkhayr baa, ka bidhaantay maantoo *Cidin beretenkiisii, tartankii ku badiyoo *Barxadii magaalada, barqo la isku aragyoo *Bulshadii isugu timidi, baahideed daboolyoo
*Hilaacii ka bilig yidhi, bulshadii ka hodantoo *Haraad-beel dadkeedii, Biyihii ka dheregyoo *Badarkii ka baxay, balkiisu hawryoo *Barqo dherega xooluhu, banka jiifka weeyoo
*Burcad zebeno wacan, ka soo bixiye haantoo, *Intuu Ceelkubuuxsamay, baahidiina jabiyoo, *Indhihii basaasnaa, ku bikaacsadeenoo *Midhii wada bislaadiyo, beerii la falayoo
*Balamihii jacaylkiyo, Bilan lagu aroosyoo, *Sidii berisaamdkii, badhaadhii la aragyoo *Beeshuna ciyaartii, balooley ka tumatoo *Beeraqiyo faraxii, beryo la isku aragyoo