Ethiopia: Baarlamaanka Oo Kala Diray Maamulka Gobolka Tigray-ga


Ethiopia(Hayaannews):Baarlamaanka Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay dhismaha dowlad kumeel gaar ah oo loo sameeyo gobolka Tigray, sida ay ku warrameyso warbaahinta Fana oo taabacsan dowladda.

Baarlamaanka ayaa fadhigan degdega ah sidoo kale ku kala diray dowlad goboleedkii maamuleysay gobolka waqooyiga ee Tigray.

Khilaaf cakiran oo soo kala dhex galay xukuumada federaalka ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo xulufadiisii hore ee Tigreega ayaa qarxay Arbacadii kadib markii Abiy uu amar ku bixiyay olole militari oo ka dhan maamulka Tigray. Waxa uu ku eedeeyey ciidabja jabhadda xoreynta shacabka Tigray (TPLF) in ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah ayna isku dayeen in ay qalab militari xadaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ayaa duqeeyay gobolka Tigray Jimcihii, iyadoo Ra’isulwasaare Abiy uu ballanqaaday in uu qaadi doono duqeymo dheeri ah taasi oo colaadda sii kordhineysa.

Dhanka kale, Sudan ayaa qeyb ahaan xirtay xadka ay la wadaagto Ethiopia, sida ay maanta oo Sabti ah ku warrantay wakaaladda wararka dalkaasi ee SUNA, tani oo la xiriirta rabshadaha sii kordhaya ee gobolka.

Sida ay ku warramayaan ilo dublumaasiyadeed, dagaal culus ayaa Arbacadii ka qarxay gobolka Tigray ee woqooyiga Ethiopia, ka dib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo milatari oo uu uga jawaabayay wax uu ugu yeeray weerar lagu qaaday ciidamada federaalka.

Dowladda gobolka al-Qadarif ee bariga Sudan ayaa bilaabay inuu xiro xuduudda ay la wadaagaan gobollada Ethiopia ee Tigray iyo Amhara laga bilaabo fiidnimadii Khamiista ilaa amar dambe, sida ay Sabtida maanta ah ku warrantay wakaaladda SUNA.

Dowladda ayaa sidoo kale uga digtay dadka ku nool xadka inay ka feejignaadaan dhibaatooyin ka dhalan kara xiisadaha ka aloosan dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, ayay warbixinta wakaaladdu intaa ku dartay.

Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in aagagga Sudan ee deriska la ah labada gobol ee Ethiopia ay haatan ku jiraan xilliga dalag gurashada, xiisadaha nabadgelyo ee jirana ay si daran u waxyeelleyn karto beeralayda iyo dalagyadooda.

Hayaannews, Office

Adis-ababa, Ethiopia

Email: Hayaannewssoma@gmail.com