“Imaatinka Wiishashkaasi Waa Astaanta Horumarka Dekeda Berbera” Mr. Suhail Albana

Maareeyaha DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Dekedda Berbera oo Horumar kale la gaadhsiisay

Dubai (Hayaannews)- Shirkada DP World ayaa shaaca ka qaaday inay horumar kale gaadhsiisay Dekedda Berbera. Qoraal ka soo baxay shalay hoggaanka shirkada DP World oo ku saxeexnaa Maareeyaha shirkada ee Bariga Dhexe iyo Afrika Suhail Al-Banna, ayaa lagu sheegay inay soo gaadhay dekeda Berbera saddex Wish oo ah nooca markab-ilaa-xeeb (STS) konteenarada keena.

Maareeyaha shirkada ee Bariga Dhexe iyo Afrika Suhail Al-Banna waxa uu tilmaamay in tallaabadaasi ay qayb ka tahay mashruuciida ay waddo shirkadda DP World ee lagu balaadhinayo laguna horumarinayo Dekeda Berbera.

Wiishashka, oo dhererkoodu yahay 51 mitir, ayaa mid kastaaba waxa uu leeyahay awood dhan 65 tan oo leh meel sare oo ah 24 saf oo konteynarro ah, wuxuuna awoodi doonaa inuu u adeego qaar ka mid ah maraakiibta waaweyn ee konteynarrada ee maanta socda, taasoo u oggolaanaysa kuwa wax soo dejiya iyo kuwa wax dhoofiya inay ka faa’iideystaan.

Keenista iyo Imaatinka wiishashka ayaa daba socday markii siddeed wiish oo cusub oo nooca loo yaqaan ‘RTG’ ee lagu rakibo dekedda horaantii bishii January ee sanadkan yimaadeen. Suhail Albanna, Agaasimaha guud iyo Maareeyaha shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yidhi: “Imaatinka wiishashka cusubi waa astaan muhiim u ah horumarka iyo ballaadhinta Dekedda Berbera. Wiishashkan, marka lagu daro kuwii hore loo rakibay, waxay sii wanaajin doonaan waxtarka hawleed ee Dekedda Berbera, taas oo u beddelaysa xarun caalami ah, siina xoojinaysa inay noqoto deked ganacsi weyn oo gobolka Geeska Afrika u adeegta.”

Suhail Al-Banna waxa uu intaasi raaciyay “Shirkadda DP World waxaa ka go’an inay ku maalgeliso illaa US $ 442 milyan si ay u ballaadhiso dekedda Berbera, marka la dhammaystirona waxay kordhin doontaa awooddeeda 500,000 TEUs sanadkiiba.”

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com