Hargeysa (Hayaannews) – Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh cabdilaahi Axmed ayaa magaalada Hargeysa ka daah-furay xarun cusub oo lagu dayactirayo islamarkaana lagu daryeelayo Kutubta Qur”aanka kariimka ah.
Munaasibada lagu daah-furayay xaruntaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Sheekh Aadan Maxamuud Xiir (Sheekh Aadan Siiro) iyo culimaa udiin kale.