๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š A๐ฒ ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐š’๐ข๐ข๐ฅ Q๐š๐š๐๐ข K๐š๐ซ๐ญ๐จ, H๐š๐๐๐ข๐ข A๐ฒ D๐š๐ฆ๐š๐œ๐๐จ I๐ง๐š๐ฒ K๐š ๐ฃ๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ญ๐จ W๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ๐๐ž๐ง๐ฃ๐š๐ฆ๐ข๐ง ๐๐ž๐ญ๐š๐ง๐ฒ๐š๐ก๐ฎ iyo golihiisa dagaalka ayaa ka baaraandegaya tallaabooyinkii ay kaga jawaabi lahaayeen, weerarkii kaga yimi dhanka dalka Iiraan.
Waxaa na laga yaabaa in tallaabooyinka ay yuhuuddu ku aargoosan karaan ay ka mid noqon karaan kuwani:
๐ƒ๐ฎ๐ช๐š๐ฒ๐ฆ๐จ ๐ก๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐š๐ก
Israa’iil ayaa ku jawaabi karta duqaymo dhanka cirka ah, iyada oo la aamminsanyahay in ciidammada difaaca Jamhuuriyadda Iiraan aanay u dhigmi karin kuwa Israa’iil iyo xulafadooda ee dhanka difaaca taas oo looga jeedo; in aanay haysan qalbka yuhuudda iyo xulafadoodu ay hawlgeliyeen sabtidii ee loo yaqaanno (Iron dome) kaas oo hawada ku burburiyay gantaalihii ay soo gantay Iiraan intoodii badnayd iyaga oo aan soo gaadhin gudaha Israa’iil.
Waxa na laga yaabaa haddii gantaalo kuwaas la mid ah ay yuhuuddu ku ganto gudaha Iiraan, in sawaariikhdaasi cuskan karaan goobaha istaraatiji ga ah ee ay ay ka mid yihiin; saldhigyada ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan iyo goobo lagamamaarmaan u ah arrimaha nukliyeer ka.
Saraakiil hore uga tirsanaan jiray sirdoonka ayaa laga soo xigtay in ay yidhaahdeen “Uma badna in weerarradaasi ay waxyeelleeyaan, kaabayaasha rayidka sida: korontada, waxa se halis bani ka dhalanaysaa haddii ay Israa’iil beegsato kooxaha ay Iiraan taageerto ee ay ka mid yihiin ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan iyo dadyowga kale ee ay Iiraan ku leedahay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ช๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ง
Israaโ€™iil ayaa la rumeysan yahay in ay hore dhowr hawlgal oo qarsoodi ah uga fulisay gudaha Iiraan, kuwaas oo ay ku jireen dilal loo geystay tiro ka mid ah saynisyahanno iyo khubaro sare oo dhanka Nukliyeerka ah. Dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah ayaa laga fili karaa in Yuhuuddu xoojiyaan oo ay ka fulin karaan gudaha iyo dibadda dalka Iiraan.
๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ซ๐จ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐ž๐ญ ๐ค๐š ๐š๐ก
Muddo sannado laga joogo, Sirdoonka Israa’iil ayaa marar badan oo hore ay u suurto gashay in ay u dhacaan Nidaamka Internet ka ee ay ku shaqeeyaan sharikado iyo hay’ado laga leeyahay gudaha dalka Iiraan, waxaana ay Yuhuuddu weerarradaas dhanka Internet ka ah hore dibindaabyooyin iyo waxyeellooyin hor leh ugu geysteen kaabayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin; kuwa Baatroolka, tamarta iyo wershadaha arrimaha Nukliyeer ka.
Waxa kale oo ay yuhuuddu weerarradaas dhinaca tiknoolojiga ah ku beegsan karaan goobo cayiman, sida wax-soo-saarka tamarta iyo adeegga duullimaadyada.
Mohamed Dhimbiil