Villa Soomaaliya Oo Been Ka Sheegtay Safarka Markabka KINALIADA Ee Turkiga Oo Muqdisho Ku Xusaya Sanadguuradii 134-aad Ee Xidhiidhka Japan iyo Turkey

Muqdisho(Hayaannews): Villa Soomaaliya ayaa been ka sheegtay sacdaalka Markab Turkigu leeyahay ee KINALIADA F 514 oo maanta  Dekeda Muqdisho ku xusaya sannad guuradii  134-aad ee ka soo wareegtay xariirka Japan & Turkiga.

Dekeda Muqdisho oo ahayd dekedii 4aad ee socdaalkan, dhammaadka safarkan ayaa ah Japan oo halkaas xus-weyn uu ka dhici doonaa, kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda dalalka Turkiga & Japan oo xariirkoodu 134 sanno jirsan doono.

Laakiin, Villa Somalia ayaa sheegtay in markabkan u yimi dhaqangalinta Heshiiskii aysan arkin, haddana meelmariyaan golaha baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, kaas oo dhexmaray Turkiga & Soomaaliya, xoogiisuna ahaa dhinaca Kalluumeysiga iyo wadaaga Kheyraadka Soomaaliya, sida ay dawladda FS sheegtay.