Jamaca kowaad Ee SALAADDU Hadduu Ku Dhaafo Jamac Labaad Ma Tukan Kartaa?

Sheekh Cabdirisaaq Rakuub-Hayaannews

Wanaagga salaaddu wuxu ku jiraa in jamac/wadar lagu oogo, sidaas darteed ayuu nebigu NNKH u yidhi, “Salaadda jamac lagu oogaa toddoba iyo labaatan darajo ayey dheer tahay midda kali lagu tukado.”

Qofka masaajidka yimid ee jamacii hore dhaafay waxa la gudboon in uu jamac kale raadsado oo aanu keligii tukan.

In aan keli la tukanayn waa amarkii nebigu faray saxaabada kolku arkay qof keligii tukanaya oo jamacii kowaad dhaafay sida abu Saciid Khudri warinayo nebigu yidhi: yaa ku kaalmeeya in uu la tukado?

Xadiiska sugnaantiisa la iswaydiiyo ee abu Umaama wuxuu xadiiskan ku siyaadiyey in saaxabi fuliyey amarkii nebiga, deeto nebigu yidhi: labadooda jamac ah.

Xadiiska labaad ee xoojinaya jamaca kowaad hadduu ku dhaafo in aad jamac labaad abaabulan karto waa xadiiska Abu Kacab ee nebigu NNKH yidhi, “Salaadda laba tukadaan way ka dheeraad badan tahay salaadda qof keligii tukado, hadday ka sii bataanna Alle wuu jecelyahay.”

Waxa jirta dood tan ka duwan oo madaahiibta fiqigu keenaan oo ah qofku inuu keligii tukado oo aanu jamac samayn.

Madaahiibtu waxay xujaysanayaan Cabdillaahi Ibnu Mascuud oo koox ay wada socdaan in uu masaajidka soo galay iyadoo salaadda laga baxay, dabadeed uu gurigiisa ku tukiyey raggii la socday.

Dhacdadaa Ibnu Mascuud ayey madaahiibta qaar leeyihiin masaajidku hadduu yahay mid imaam leh jamac labaad lagu oogi maayo, iyagoo ku sababaynaya imaamka masaajidku in aanu jamaca labaad ee lagu sameeyey cuqdad u qaadin, waxaanay u cuskanayaan Ibnu Mascuud. Laakiin midda caddaynta u baahan ayaa ah in aan la garanayn sababtu guriga ugu tukaday. Taasina aanu xukun ka dhalanayn, waa midda labaadee ficilkiisa waxa khilaafaya xadiiska sugan ee nebiga oo la raacayo.

madaahiibta Xanafiyada, Maalikiyada iyo Shaaficiyada warkooda ah in ay karaahiyo tahay jamaca labaad oogistiisu daliil ma haysto, haddii fahanka la soo dhaweeyana jamac labaad waxaan la samayn karayn kolkay tahay fowdo lagu kicinayo imaamka oo jamaciisa kowaad ogaan looga goosanayo.

Axmed Ibnu Xambal, Isaxaaq iyo Ibnu Mundir iyagu sida madaahiibta kale oogista jamaca labaad karaahiyo kuma sheegayaan oo waxay dhaqangeliyeen xadiiska amraya in lala tukado qofkii keligii tukanayey.

Gunaanadku waa dheeraadku wuxuu ku jiraa in salaadda jamac lagu tukado, haddaan ajar ku jirin nebigu ninka keligii tukanayey uma abaabuleen jamac salaadda la tukada. Sidaa darteed ma habboona in aad ogaan u garabmarto jamac labaad oo la tukanayo, adigoo doorbidaya in aad kaligaa tukato.

Sheekh Cabdirisaaq Rakuub-Hayaannews

Sheekh Cabdirisaaq Rakuub

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland