Madaxweyne Biixi Iyo Moganaanta Hagar Daamooyinka Kooxda HEEGO ee Somaliland

Mudane madaxweyne waanu kuu ololaynay Wanan kuucodayne xaqdarase kayeelimayno

Afeef. Waxaan la socodsiinayaa dhamaan Bulsho weynta somaliland in aanay Qoraalkaygani aanu ahayn mid aan ku Doonaayo xil,xoolo,xurmo se uu yahey mid Bulshada somaliland ee xaqa jecel kula Socodsiinaayo xaqdarooyinka jira.

Taniyo markii madaxweyne muuse biixi cabdi Loo doortay xilka qaranka somaliland Doorashadii dhacday 13/11/2017 waxaa Indhaha iyo dhagaha bulsho waynta Somaliland kusoo badanaayay hadal haynta Kooxo magacyo kala duwan leh oo asal ahaan Kasoo wada jeeda hal qoys oo ka agdhaw Madaxweyne muuse biixi cabdi oo siyaabo Kalla duwan ugu adeegsada magaca Madaxweynaha iyo awoodisa si baal marsan Sharciga.
Kooxdani oo ah mid isku xidhan oo tan iyo Bilawgii sanadkii 2016kii ayaa samayn taban Iyo mid toganba ku yeeshay habsami socodka Hawlaha qaranka somaliland .
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu Yaqaan astaamo ay kamid tahey in aanu Qoyskiisa soo dhawaysan islamarkaana ka Ilaaliyo masabyada iyo meelaha muhiimka ah ee qaranka somaliland oo heer gaadhay qaar Kamid xubnaha golaha wasiirada ee uu cugtay Madaxweynuhu inay sifo sharciga baalmarsan Ay ugu cagojugleeyeen shaqaale kalla duwan Oo masabyo muhiim ah ka hayay wasaaradaha Kalla duwan ee qaranka oo xalalkana ka qaadaan ayaa taa dhigeeda waxaa bulshada aad usu waydiiyeen soo bixitaanka magacyada iyo hadal haynta kooxahaasi kala duwan oo dhacdooyin badan bulshada ka warheshay Sameeyqy iyadoo samaynta ay ku yesheen taniyo bilawgii xukuumada Madaxweyne Muuse biixi Cabdi gadhwadeenka Kayahey aad Loo hadalhayay.

Kooxdani oo ah dhallinyaro isku jira qanacsato iyo qaar hore uga soo shaqaynayay hayadaha Caalamiga ah ee dalka hawlgala ayaa u samaystay weelal kala duwan oo hantida ka Dhaxaysa bulsho waynta somaliland sifooyin Baalmarsan sharciga uga faaidayaanayaan.

Hadaba muwaadin waxaa iswaydiin mudan waa kuwama kooxdani saldhigooduna waa halkee maxay kaqabtaan xilnoo ayayna kahayaan xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Gadhwadeenka kayahey madaxweyne kuxigeena ka yahay Cabdiraxmaab Cabdilaahi Ismaaciil Saylici shirkado nooce ah ayay u Samaynteen in bulshada xoolaheeda ku Macaashaan .

Lasoco dhawaan isha allah.

Allah Mahad Leh.

Axmed Maxamed Shaqalle