Abiy Oo Ku Guuleystay Abaal-Marinta Nobel Peace Prize
October 12, 2019 - Written by admin
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa shalay ku
guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize, sida uu shaaca ka qaaday
guddiga Nobel ee fadhigiisu yahay dalka Norway.
Abiy Ahmed ayaa abaal-marintan lagu siiyey dadaalladii uu u
galay inuu xaliyo dagaalkii qaraaraa ee dhinaca xuduudda ee dalkiisa kala
dhaxeeyey dalka deriska la ah ee Eritrea.
Abiy waxaa lagu sharfay “dadaalladii uu ugu guuleystay nabadda
iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, si gaar ahna hindisihiisii wax ku oolka ahaa
ee uu ku xaliyey dagaalkii xuduudda ee kala dhaxeeyey dalka deriska la ah ee
Eritrea” sida ay sheegtay xeer-beegtida Nobel.
Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa yiri “aad ayaan ugu
farxasannahay dal ahaan inaan ku guuleysanno abaal-marinta Nobel Peace Prize.”
Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Itoobiya bishii
April ee 2018, Abiy oo 43 jir ah, waxa uu si aan joogsi lahayn u qaatay
siyaasado beddeli kara mustaqbalka bulshad dalkiisa.
Isaga oo lix bil un xukunka haya, ayuu la heshiiyey Eritrea, xabsiga kasii daayey mucaaradka, raali gelin ka bixiyey xadgudubyadii dowladda, islamarkaana dalka kusoo dhoweeyey kooxihii dibad-joogga ahaa ee madaxdii ka horreysay ay ku calaameeyeen “argagixisada.”